|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo booqday suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Dayax]
JANUARY 8, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kormeer kutagay Suuqa Iibka xoolaha Dayax ee degmada Heliwaa iyagoo ukuurgalaya xaaladda Amni ee kajirta degmadaasi.
Kormeerkan howleyd ee ay mas’uuliyiint mamulka gobolka Banaadir oo uu hogaaminayay kuxigenka dhanka amaanka G/banadir Warsame Maxamed Xasan, gudoomiyah degmada huriwaa Cumar C/lle Axmed Jacfaan taliyaha ciidanka booliska Huriwaa Qaliif C/lle Maalin Ilkacase ayaa laxiriiray ukuurgelidda xaaladaha amaanka iyo ganacsiga suuqaasi Dayax.
Madaxdaasi ayaa halkaa kulan kula qaatay ganacsatada xoolaha ee suqaasi oo ay kala hadleen sidii loo mideyn lahaa suuqyada lagu gado xoolaha nool ee magaalada Muqdisho kaalina ay uga qaataan soo kabidda dhaqaalaha dalka.
Gudoomiyaha Dagmada Hilwaa Cumar C/lle Jacfaan oo warbahinta Kula hadlay suuqa Dayax ayaa sheegay in suuqan uu ka midyahay ilaha dhaqaalaha ee dagmada isagoo meesha ka saaray warar been abuur ah oo maleeshiyaadka al shabaab ay doonayan in ay ku cabsi galiyaan dadka ku ganacsanaya suuqa.
Taliyaha Ciidamada booliska saldhigga dagmadaas Qaaliif Xasan Maalin ayaa sheegay in dagmadu Amaankeedu suganyahay hase ahaatee ay muhiim tahay in dadka la gaarsiiyo dowladnimada.
Warsame Maxamed Xasan Joodax kuxigeenka dhanka nabadgelyada ee maamulka gobolka Banaadir ayaa sharaxay in ay muhimtahay ilaalinta hantida ganacsatada auuqaasi xoolaha ee Dayax suuqa iyo hantida taalaana ay tahay mid ay shacabku leeyihiin canshurtooduna tahay mid lagu horumarinayo dalka.
Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa Dayax ayaa si weyn iyana usoo dhoweyey in suuqaas uu noqdo kan keliyah ee ay isugu yimaadaan ganacdatada iyo xoolahooduba.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|