91.9 FM Codka Beesha

 
Radio Codka Beesha
Radiofreesomalia
RochesterSomaliTV

Radio Hormuud

Radio Garowe

SBS Radio Aus
RadioLaascaanood

SomRadio Sweden
Radio Copenhagen

Radio Warsan
Radio SCERDO
Somali swiss radio
Radio Xoriyo
Radio& TV Djibouti

Radio Somaliland
Qaran Radio
SomaliRadio (USA)
Focus On Afirca

xamarradio
Radio Banadir
Radio Shabelle.net
Radio Daljir
Sagal S. Radio
Somali TV Network
Swiss Radio
Radio Mennisoto
  Sarifka Lacagaha
 
SOMALI LINKS
  Qarankanews
somalifans.net
Afnugaal.com
Allbanadir.com
Amin Arts
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Allgedo Online
Arlaadi
Awdelnews.com
AllSafari (Video)
Africajewelry
B
BBC Somali
Benadir
Berlula Online
Balcad.com
Benadir-Watch
Burtinle  Online
Buurhakaba
Buulaay
BAIDOA.COM
Biyo Kulule
C
Carmooyin.com
Calayaale.com
Cadaado.net
CeelBuur
Codka Somalia
Codk Somali Galbeed

Calanka
Cayaaraha.com
Ceelbuurnet
Codk Somali Galbeed

Cayaaraha.com

Ceegaag.com

D
Danowadaag
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
E
Electro
F
FALSAN
G
Gedonet
Geeska Afrika

Goldogobsite.com
Goobjoog
Garoweonline
H
Hiiraan
Hilinkatoosan

Halgan.net
Hamarey
Horseednet
Hobyonet

Himilo Online

HornAfrik Online
I
Israac
I R I N NEWS

J
Jamhuuriya
Jowhar Online

Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
K
Kenyan Somali Com
L
Lafoole.com (SOTAS)
Laasqoray
M
Midnimo.com
Muduloodwatch
Mareeg.com
Mudulood.com
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Mogadishu University
Markacadey.net
N
Nugaal.net
O
Onkod
Osman Arts

OgadenLF
Olol.us
P
Puntland Post Pacemagazine
Prof.Togane.org

Q
Qaranimo.com
Qorahey Online

R
Radio Free Somalia
Radio Somaliland
Ruunkinet
Radiogedo.com
S
SomaliWEYN.com
Simbanews.com
soomaalidamaanta
SomaliGov
SomAmericanmedia

Somalistartpage

Som. Civil Soc'y
SSUP.ORG
SomaliaOnline
Somali Bantu
Shabelle.net
Somali Lawyers' A.
Somali IT
Saylac.com
Somalilandnews.com Somalitalk.com
Somalilife.com Somaliawatch.com Somaliawatch.org Somalilandnet.com
Somali R. & H. Center
SomaliNet

SomaliUK.com
Somalimarket.com

SomaliTUBE.com
U
UFUROW
W
Wargayska Dalka
Warsan
Wardheer News

Widhwidh

X
Xog-waran.com
Xaraash.com
Y
Z amal express
Islamic links
  islamliveone.com
Dacwah.com
Benadir-islam
Khalidmosque
Learn about Islam
Islamweb.net
Islamicschool.fr
Alqurabaa.net
Boqolsoon
Sna.net/
Islamic City
Maktabatu Al-Hudda
Msa-natl.org
Islamweb.net  
  PROGRAMS
  Legal Aid Ont.
  wararkii hore 2004
Election 2009
RADIO FREE SOMALIA - - - -Fikradaha - OPINION Maqaalo
INSIDE RFS NEWS WARKII MAANTA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqol maalmoood u buuxsantay (Warbixin+Sawirro

DECEMBER 19, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Laga soo bilaabo horantii 1991-kii ilaa iyo bishii September ee sanadkan waxaa Soomaaliya soo maray Madaxweynayaal dhowr ah, waxaana Madaxweynayaashaas ka wada dhaxeeyay magac la yiraahdo KMG, ha yeeshee waxaa uu magacaasi daaqada ka baxay 100-maalmood ka hor, oo ku beegneyd 10-September 2012, kadib markii xilligaas la doortay Madaxweynaha haatan hogaamiya qaranka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo cod aqlabiyad leh ay ku doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka iminka jira, isagoo noqday Madaxweynihii 1aad ee rasmi ah.

Dhowr iyo labaatankii musharax ee u taagnaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayuu ka soo dhex baxay Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ay la tartamayeen, rug cadayaal siyaasadeed, aqoonyahano iyo hogaamiyeyaal kale, waxaana nasiib wanaag noqotay in ragaas laga dhex doortay aqoonyahankii ugu mudnaa inuu ku soo baxo xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, iyadoo lagu doortay arrimo ay ka mid ahaayeen aqoontiisa, daacadnimadiisa, wax u qabashadii uu u sameeyay bulshada, soo saaristii boqolaal kun arday iyo barnaamijkiisii siyaasadeed ee uu ku hor aqriyay xildhibaanada Baarlamaanka ee xaqa u lahaa, inay go'aamiyaan mas'uulka noqonaya Madaxweynaha cusub ee aan KMG aheyn.

Soo bixidii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aadaneyd qaabkii dimoqraadiga ahaa ee loogu doortay xilka ugu sareeya Soomaaliya waxay aheyd, waa cusub oo u baryay Umada Soomaaliyed, maxaa yeelay Madaxweynaha la doortay, waxaa uu ahaa Mas'uul xog ogaal u ah xaalada Soomaaliya, isla markaana waayo aragnimo fiican u leh is bedeladii iyo marxaladihii ay Soomaaliya soo martay, isagoo sidoo kale aqoon qoto dheer u lahaa qaab nololeedka iyo mida deegaameed ee bulsho weynta Soomaaliyed, maadaama uu ku soo dhex noolaa shacabkiisa 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Marka laga soo ambaqaado habeenkii Madaxweynaha cusub la isku raacay inuu hogaamiyo qaranka, ilaa iyo maanta oo la joogo oo ku beegan 19-ka December waxaa Madaxweynaha u buuxsantay 100-maalmood ee ugu horeeyay ee uu xafiiska Madaxweynimada Soomaaliya joogay, sidaas daraadeed waxaa is weydiin mudan mudadaas kooban muxuu Madaxweynuhu ka sameeyay, hadii ahaan laheyd dhinacyada wax ka qabashada arrimaha gudaha, ama siyaasada arrimaha dibada.

Boqol maalmood waa waqti aad u kooban oo la mid ah, il biriqsi oo kale, marka loo eego socodka waayaha fog ee aduunka, ha yeeshee marka la bar bar dhigo, is bedelada dunida ka dhacaya, waa xilli la sameyn karo bilow wanaagsan, sidaa awgeed Xasan Sheekh Maxamuud hadii la qiimeeyo, saddexdii bilood iyo 10-kii cisho ee uu fadhiyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaa uu sameeyay taariikh aad u wanaagsan iyo waxqabad lagu faani karo, hadey ahaan laheyd dhinacyada amniga, dhismaha xukuumada, adkeynta xiriirka caalamiga, ku dhiira gelinta bulshada sidii nabada uga qeyb qaadan lahaayeen, horumarinta arrimaha federaalka, jeedinta khudbado xigmadeysan oo hadba ka turjumayay marxalada la joogo iyo wixii la mid ah.

Hadii ay noqoto in far waa weyn lagu qoro, horumarka la arki karo ee uu Madaxweynuhu ku dhaqaaqay, isla markaana lagu xasuusan doono, 100-kii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa ugu horeeyo baabi'inta nidaamka 4.5, kadib kolkii beelaha soomaaliyed uu xubno isku mid ah uu ka siiyay Golaha wasiirada, tir tirida isbaarooyinkii taariikh xumada u keenay Gobolka Banaadir iyo gobolada koofureed, hal abuurka dhismaha xukuumad tiro yar, tayana leh, la dagaalanka musuq maasuqii dilooday Soomaaliya, u dhaga nuglaanta baahiyaha ka jira bulshada dhexdeeda, u howl gelida sidii uu caalamka Soomaaliya ugala dhaqmi lahaa si ka duwan sidii hore, sii adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee aduunka kala dhaxeeyo Soomaaliya, sii wadida la dagaalanka kooxaha dowlada ka soo horjeeda iyo wixii la mid ah.

Ma sahlaneyn intaas oo waxqabad in Soomaaliya laga sameeyo, 100-cisho oo qura, balse horumarka lagu faani karo, ee ay dowladda federaalka Soomaaliya ku tallaabsatay, waxaa Alle ka sokow mahadeeda is ka leh aqoonyahankii loo igmaday inuu horseed ka noqdo Soomaalida cusub ee KMG ka gudubtay, waxaana xaqiiqo ah guusha muuqata oo uu qaranka gaaray inay ka dhalatay qunyar socodnimada Madaxweynaha oo sida xaqiiqda ah ka yimid bulshada, una yimid wax u tarida bulshada.

Waa suura gal in ay dad badan saluugsanaayeen, markii ugu horeeysay ee Madaxweynaha la dooranayay, iyagoo ka cabsi qabay in dib u dhac laga sameeyo halkii xilligaas la marayay, balse malahaasi ay dadka qaarkiis qabeen maanta waa uu beenoobay, waxaana booskii shakiga buux dhaafiyay run, waxqabad iyo dadaal loo riyaaqi karo, waxaana amaanta arrimahaas ay u noqoneysaa Xasan Sheekh oo halkii loo maleynayay meel ka sareysa gaarsiiyay qaranka Soomaaliyed 100-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Layaab ma leh daruufaha wali jira awgood in Madaxweynuhu ay u suura geli weydo inuu arrimaha qaarkood wax ka qabto, sida dilalka wali socda, dhaca shacbiga loo geysanayo, ku tagri falka xarumaha dowladda qaarkood ka taagan, mushaar la'aanta shaqaalaha dowladda heysata, sixida Mas'uuliyiinta wali qaldan, soo deyn la'aanta muwaadiniin fara badan oo ku xiran wadamada caalamka qaarkood, nolol u abuurida boqolaalka kun ee ku baaba'san gudaha iyo xerooyinka qaxootiga, xoojinta tacliin lacag la'aan ah iyo isu furida wadanka oo dhan, waxaase in la soo dhoweeyo mudane in Madaxweynuhu ay u qorsheysan tahay sidii arrimahaas ula tacaali lahaa ilaa uu ka jibo keeno ama uu ku guuleysto.

Ra'yi uruurin fara badan oo laga sameeyay xarumaha dowladda, xafiisyada ururada bulshada rayidka, goobaha tacliinta, baararka ay bulshada isugu timaado, jaaliyadaha dibada, suuqyada, gaadiidka la wada raaco iyo meelo kale ayaa muujineysaa sida ay shacabka Soomaaliyed kalsooni buuxda ugu qabaan Madaxweynahooda, waxaana iska cad oo sida dayac afar iyo tobanaad oo kale loo arki karaa, sida ay u sii ballaaraneyso sumcada uu dadkiisa ku dhex leeyahay Hogaamiye Xasan Sheekh, sidaas daraadeed waxaa ila mudan in la yiraahdo ishii buktaay ku bikaacso waxqabadka Madaxweynaha iyo taageerada ay shacabkiisa u hayaan darteed.

Ruux kasta oo geesi ah waxaa uu u baahan yahay in la garab qabto sidaas awgeed waxaa shacabka Soomaaliyed la gudboon inay Madaxweynahooda gacan ku siiyaan ku sii socoshada wadada cad ee uu cagta ku hayo, waxaana in la xusuusnaado mudane halku dhigii Madaxweynaha ee xilligii doorashada oo ahaa NAGU RAAGTAYEE YAAN LOO KALA HARIN, iyadoo oraahdaasi laga ambaqaadayo, ayaa waxaa ila haboon in aan loo kala harin ka gudubka marxalada lagu jiro ilaa laga gaarayo nabad, horumar iyo barwaaqo loo dhan yahay.

Maanta oo boqol maalmood aynu ka joogno maalintii Madaxweynaha loo igmaday daadihinta dalka iyo dadka ayaa waxaa wanaagsan in Xasan Sheekh loogu hambalyeeyo, naf hurnimada iyo guusha uu ka soo hoyay mudadii koobneyd ee uu dalka hogaaminayay, kuwaasi oo u dhigma sanado fara badan, waxaana guntii iyo gaba gabadii qoraalkan ku leeyahay Madaxweynow waad guuleysatee geediga halkiisa ka sii wad.


Abdi Mohamed
abdimohamedcadde@gmail.com


http://www.jowhar.com/images/news/boqol_maalmood_1.jpg


http://www.jowhar.com/images/news/boqol_maalmood_9.jpg


http://www.jowhar.com/images/news/boqol_maalmood_2.jpg


http://www.jowhar.com/images/news/boqol_maalmood_3.jpg


http://www.jowhar.com/images/news/boqol_maalmood_4.jpg


http://www.jowhar.com/images/news/boqol_maalmood_5.jpg


http://www.jowhar.com/images/news/boqol_maalmood_6.jpg


http://www.jowhar.com/images/news/boqol_maalmood_8.jpg

 

Radiofreeomalia.com - Muqdisho



CANADA.TV | BBC.TV | Australia.TV 
Network AfricaFocus On AfricaChennel Africa | VOA. Newsnow |
Al Jazeera TVSaudi Live TV |ITALIAN: RAI.RADIO.LIVE
LIVE.TV: Discover.Islam
Deccember - 2006
December - 2004 news
Other News
Year End News
Danish Cartoons
Testimony Before the Senate Foreign Relations Committee
Weather Forecast"The Weather Network"

 
Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | 2004-2012 Copyright radiofreesomalia.com