|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Kulankii Baarlamaanka ee la filayay in lagu ansixiyo Miisaaniyada dowladda oo buuq ku dhamaaday
DECEMBER 24, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow ku soo dhamaaday natiijo la'aan, kadib markii mudanayaasha qaar ay buuq ka keeneen miisaaniyada sanadka 2013 oo ay hor-keentay baarlamaanka Wasaarada Maaliyada.
Miisaaniyadan oo qarashkeeda gaareyso $103.893,092 ayaa waxaa mudanayaasha baarlamaanka ay ka yeesheen dood adag, waxaana Mudanayaasha ka qeyb galay oo gaaray 156-mudane ay su'aalooyin weydiiyeen Wasiirka maaliyada, iyagoo dalbaday in dib loogu celiyo, si dib u habeyn lagu sameeyo.
Xildhibaanada qaar ayaa ahaa kuwo kala aragti duwanaa, waxaana Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan oo hor yimid Baarlamaanka su'aalo laga weydiiyo mushaarka ay qaataan Ciidamadaka
Mudanayaasha ayaa codsaday in la yareeyo safaaradaha Soomaaliya ku leedahay caalamka, sida Safaaradaha Ruushka iyo Shiinaha oo ay sheegeen in aanay wax qaban, isla markaana qarash badan uu ku baxo.
Sidoo kale waxaa ay xildhibaanada sheegeen in Xafiisyada madaxda dowladda ay ku kala baxdo malaayiin doolar, isla markaana ciidamadii dowladda ee difaacyada ku jiray mushaarkooda yar yahay, waxaana ay dalbadeen in mushaarka loo kordhiyo.
Inkastoo ujeedka kulanka ahaa in codka kalsoonida loo qaado miisaaniyada, hadana Mudanayaasha ayaa aad isugu khilaafsanaa, iyadoo markii dambena ay gaartay heer uu Gudoonku xakameyn waayo habsami u socodka kulanka.
Ma dhicin wax gacan ka hadal ah, hase ahaatee Xildhibaanada ayaa faro isku taag-taag waday, oo qaarkood la kala dhex galayay, intii ay dooda socotay.
Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur IIkar oo shir gudoominayay kulanka ayaa ku dhawaaqay in kulanka uu soo dhamaaday, isla markaana la isugu soo laabto maalinta berri.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maalmihii u dambeeya si aqlabiyad leh ku ansixinayay ajandayaal fara badan oo la horgeeyay, kaasoo uu ka mid ahaa Barnaamijkii Xukuumada soo gudbisay.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|