![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Dadka ku dhaqan Buuraleyda Galgala oo sheegay in ay saameyn ku yeeshaan dagaalada u dhaxeeya Shabaab iyo ciidamada Puntland JANUARY 9, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Dadka ku dhaqan Buuraleyda Galgala ayaa ka cabanaya dhibaatooyin kala duwan oo ay ku hayaan maleeshiyaadka Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaankaasi. Qaar ka mid ah dad ka soo barakacay deegaanka Galgala oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay deegaankooda uga soo barakaceen dhibaatooyin ay u geysteen maleeshiyaadka Shabaab ee gabbaadka ka dhigana Buuraleydaasi, sidoo kale waxa ay tilmaameen in ay saameyn ku yeelatay dagaalada ka dhaca halkaasi oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka. ‘’Hada wax an ku suganahay Boosaaso, waxaana ka soo barakacay deegaanka Galgala kadib markii ay sameyn nagu yeesheen dagaalada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka Shabaab, iyo dhibaatooyin farabadan oo ay noo geysteen maleeshiyaadka Shabaab ee gabbaadka ka dhigtay degaankeena’’ayuu yiri Sharma’arke oo isagoo ku sugan boosaaso la hadlay Radio Muqdisho. Arrintan ayaa imaaneysa xilli dhawaan horjooge Cali Dheere uu ku hanjabay in Calankii Shabaab ee laga siibay gobolada Konfureed ee Soomaaliya ay ka taagidoonaan deegaanada Puntland, iyadoo dad badan ay rumeysanyihiin in argagixisadu ay hadda isku ururinayaan buuraleyda Galgala. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|