INSIDE RFS NEWS
WARKII MAANTA
|
|
RFS- - DAILY HEADLINES - - WARKA
MADAXDIISA |
Gudoomiyaha Dhalinyarada Beesha Waceyle Cali Axmed Juruq (Cali Beerta) ayaa sheegay inay deegaanada ay Beesha Waceysle ka degto Gobolka G/gaduud ay qorsheynayaan inay horumarin doonaan, .
APR14 2008 Radiofreesomalia.com

Gudoomiyaha Dhalinyarada Beesha Waceyle Cali Axmed Juruq (Cali Beerta) ayaa sheegay inay deegaanada ay Beesha Waceysle ka degto Gobolka G/gaduud ay qorsheynayaan inay horumarin doonaan, islamarkaana ka hergelin doonaan mashaariic fara badan.
“Waaxan isku xireynaa Dhalinyarada Beesha Waceysle ee Waqooyiga Ameerika iyo Dalalka Yurub” ayuu yiri Gudoomiyaha Dhalinyarada Beesha Waceyle oo sheegay inay horumar lixaad leh gaarsiin doonaan deegaanada ay Beehs waceyle ka degto Gobolka G/Galgaduud.
Gudoomiyaha waxa kale uu sheegay inay dadka deegaanada Beesha degan ay dhinacyo badan ka kaalmeyn doonaan,
islamarkaana ay soo bandhigi doonaan waqabad dhab ah.
“Qorshooyinka aan soo wadno Mustaqbalka waa inay Beeshu gaarto isku filnaash dhan walba ah, iyadoo aan xoogga saari doono inaan ka dhisno dhinaca aqoonta” Gudoomiyaha Dhalinyarada Beesha Waceyle.
RFS _ Muqdisho

|