|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo ugu baaqay qurba-joogta inay faraha kala baxaan siyaasada

NOVEMBER 18, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa ugu baaqay qurba-joogta Soomaalida ee ku soo laabanaya Soomaaliya inay faraha kala baxaan siyaasada.
Isagoo u waramayay Idaacad lagu magacaabo Radio Al-furqaan oo taageerta Al-Shabaab ayuu Cali Dheere uga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid tahay dib ugu soo laabashada dadkii qurbaha ku noolaa, isagoo cadeeyay in Muqdisho aanay aheyn meel nabad ah.
"Waxaan rabaa dadka qurbaha jooga inaan u sheego, runtii wax badan horay uga qeybq aadateen, hadii ay tahay qabyaalada, oo aad horay dhaqaale ama taakulo uga qeyb qaadan jirteen dagaalada qabyaalada in aad maanta ka qeyb qaadataan diinta lagu soo duulay iyo dadka Muslimiinka dhulkooda la qabsaday sidii ay isaga kicin lahaayeen inaad ka qeyb qaadataan"ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo intaa ku daray inay uga qeyb qaataan dagaalada afka, dhaqaalaha ama qalin si la isaga difaaco cadawga.
Mar uu ka hadlay dib ugu soo laabashada dadka qurbaha ee Caasimada Muqdisho ayuu sheegay in been loo sheegayop, isla markaana loo aqrinayo inay dan maslaxad ah u wadaan Soomaaliya hadii ay dalka ku laabtaan.
"Waxaa leeyahay waa in aad uga fiirsataan beenta ay reer galbeedka idin aqrinayaan, inay dan maslaxad u wadaan, in Muqdisho nabad tahay ay u sheegayaan haku kadsoomin ayaa leeyahay, waa goob dagaal, muslim iyo gaal ku hardamaya, waxa weeye dhinaca gaalada ha isku marina, dhinaca muslimiinta soo mara, waa la kala bixi doona, muslim iyo gaal iskuma qasnaan doonaan"ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sheekh Cali Dheere ayaa ugu baaqay qurbo-joogta in hadii aysan Muslimiinta wax ku tareyn inay ka nabad galaan, isla markaana ay ka leexdaan waxa uu ugu yeeray cadawga iyo gaalada.
Hadalkan ka soo baxay Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Muqdisho ay dib ugu soo laabanayaan qurba-joogta Soomaalida, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan horumarinta, iyagoo bilaabay inay ka furtaan goobo ganacsi iyo maqaayado casri oo laga cunteeyo.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|