![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ciidamada dowladda Kenya oo gacanta ku dhigay nin hub watay DECEMBER 10, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin ay ku sheegeen in uu yahay Soomaali kaas oo hub soo galiyay magaalada Gaarisa iyadoona ciidamada dowladaasi ay wadaan howlgal lagu qab qabanayo dadka aan sharciga laheen. Ciidamada booliska dalka Kenya ee ku sugan magaalada Gaarsi ayaa gacanta ku dhigay nin watay Qoryo iyo Risaas kaas oo ay ku sheegeen in uu yahay Soomaaliya, waxaana ciidamada booliska Kenya ay sheegeen in lasoo taagayo maxkamad. Dhanka kale ciidamada booliska dowladda Kenya ayaa xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ka wado howlgalo baraalan kaas oo ay ku qab qabanayaan dadka Soomaalida ah ee aan haysan sharciga. Ciidamada dalka Kenya oo wato gawaari waaweyn ayaa guri guri u baaray xaafadaha kuwaas oo gawaarida saarayay qofkii aanan haysan sharciga dalka Kenya sida uu ku soo waramayo wariyaha Radio Muqdisho uga soo warama dalka Kenya Cilmi Waare. Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in ay sugeyso amaanka dalkaasi xili ay soo dhowdahay doorashada madaxtinimo ee dalka taas oo la filayo in ay dhacdo 4 bisha Mach ee sanada soo socota. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|