![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Kulan looga hadlayay ciribtirka haraadiga shabaab oo lagu qabtay Muqdisho
NOVEMBER 26, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - kulan looga hadlayay sidii loo ciribtiri lahaa haraadiga maleeshiyada kooxda shabaab ee ku dhuumaaleysaneysa qeyb ka mid ah dagmooyinka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Kulanka oo ay soo qaban qaabisay hay’adda CCD ayaa waxaa ka qeyb galay ururada bulshada rayidka, odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiin ka socotay hay’adda CCD waxaana kulanka uu ahaa mid looga hadlayay sidii shacabka Soomaaliyeed ay gacan uga geysan lahaayeen sidii haraadiga kooxda shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah Muqdisho looga ciribtiri lahaa. Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ururada bulshada ee ka qeyb gashay kulankan ayaa sheegay in laga hortagi karo dhibaatada maleeshiyaadka al shabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan iyagoona ugu baaqay bulshada in ay hal meel uga soo wada jeestaan. Hay’adda wada hadalka bulshada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano CCD ayaa qabato kulamo lagu wacigalinayo bulshada Soomaaliyeed. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|