Codka Beesha

 



 

Kulankii ugu Horeyay Ay isugu Yimadeen Beesha Cumar galmaax Ee Iswitzerlan

June ,12.2005 Radiofreesomalia

Shirkaan oo ay beesha isugi timi wuxuu aas aas u yahay ama bilow in laysku xiro beesha cumar galmaax ee ku nool wadanka gudahiisa iyo dibada lagana mideeyo xaga fikirka si ay somaali weyn wax ulla qaybsadaan si cadalad ah iyadoo laxaq dhowrayo beelaha kale ee ku nool gobalka banadir.

Beesha waxay soo maratay dhibatoyin farabadan kuwasoo ah mid guud iyo mid gaara balse ay beesha ka go’antahay in marka ay xaliso dhibatoyinkeeda u gaarka ah kadibna ay u gudubto kuwa walalaheed somali weyn.

Kadib markii dood iyo falanqeen dheer ay dhaxmartay baasha dhexdeeda waxay go’ansatay in lasameeyo gudi go’aana la qaato nabadeenta magalada muqisho wixii wanaagsan la tageero wixii bur bur so cilinayo ama dhibotyinka tagan aan xal u keneen umada somaliyeed loo sheego inaysay maanta magalada muqdisho aysan u bahneen dhibaato horleh oo soo cusbonaato.

Beesha waxay magacabatay

1) Gudomiye: Cabdulqadir Xaaji Hirabe ( looyaqaan jaylaani)

2) Gudomiye ku xigeen : Xaawo Nuur Muday

3) Xoghayn . Beelo Cumar Caraale

4) Afhayeenka ahna Xoghayaha dhaqalaha: Cabdullahi Maxamed Nuur

Lataliyayaal :

1) Axmed Mude Xuseen

2) Maxamed Nur (oo lo yaqaan sheeq da’uud)

3) Macalin hasan

4) Axmed Mohamed Addow

Gudigaas oo ah kuwa matali dona beesha gudaha iyo dibada wixii afkaara ukala gudbin donaan calamka intiisa kale.

Jabhadahii soo galay magalada muqdisho ma aysan noqan kuwa isku fikira ama isku ullajeedo ah balse waxay ahayeen kuwa kala fikira kalana ullajedo ah ama ha noqdeen kuwa muuqda ama kuwa qarsoon taasna ay sababtay in lays xalin waayo waxna la sameen waayo kana abuurmeen dagaalo ahli ah iyo bur bur iyo barakac iyo dhibatoyin ilaa iyo hada tagan guryo labobay beero la boobay iyo isbaroyin wada walba ladhigtay tasoo illa iyo maanta wax laga qaban la’yahay.

Shaqo walba oo laqabanayo haddii aan isku ulla jeedo lawada aheen dhibaato cusub ayay abuurtaa ee dhibaato jirtay xal uma noqoto.

Maanta waxaan aragnaa in aan isku wado u jeedo lawada aheen qolo walba ay donayso inay wax bur buriso balse aysan doneen in wax laqabto tasoo ah ayaan daro usoo hoyatay magalada muqdisho.

Maanta oo lo bahnaa in isbaroyinka magalada dhex yala in laqado tasoo layaqaan habka ay u kala taal sahlantahay qadisteeda layaqaan nin walba isbarada utaal inta kasoo gasho malin walba ugu yaraan (50kun oo dolar )lana yiraahdo dhaqaalo mahaysano dhaqalaan u bahanahay si maleshiyaad guryahooda jooga lo xareeyo xogana la saro sidii dhaqalo loo heli lahaa iyadoo tan sahlan indhaha laga daboolanayo layskuna shuqliyo hawl kaweyn qolo ay u gaartahay aysan jirin si loo qariyo hawsha loo bahan yahay inla qabto tasoo iyana ah ayaan daro kale.

Beeha waxay so jedinaysaa iyadoon isbaroyinka yala magalada muqdiso iyo hareraheeda iyadoon laqdin inaysan wax dhaqalo ah aysan ku bixin donin hal abuurka logu yeray nabadeenta magalada muqdisho cidii dhaqalo ku bixiso iyadoon isbaroyinka laqadin inay dalka danbi ka gashay qaas ahaan magalada muqdisho loona bahanyahay waxa la samaynayo in si taxatarleh looga fiirsado.

Beesha waxay tageero buxda sinaysaa Gudomiyaha gobalka ahna Duqa magalda muqdisho Md Maxmud Xasan Cali gabow sidii uu casimada xal ugu heli lahaa.

Beesha waxay tageero sinaysaa dhamaan wax garadka ku holan sidii isbaroyinka loqaadi lahaa Md Caqil kogaar iyo dhamaan siyasiyiinta jecel sidii ay magalada muqdisho ay u noqon laheed casimadii somaaliya una yelan laheed maqamkeedii magaalo madaxnimo.

Beesha waxay tageeri dontaa somaaliweyn meesha ay isku racdo inteeda badan sidii magalada muqdisho wax loogu qaban lahaa.

Balse aysan tageero siin donin beesha shaqsiyaad ulla jeeddo gaara wataan kana soo horjeedo in magaalada muqdisho ay ku soo laabato nidaam iyo kala danbeen iyo maqaamkeedii dowladeed rabaana inay kusii jirto nidaamro.

Wabilaahi towfiiq

Cabdullahi Maxamed Nuur

Abdulllahi05@sissonline.ch

Abdullahi05@hotmail.com

 

editorial@radiofreesomalia.com








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.