![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Isbitaal lagu daweeyo dadka qaba cudurka dhimirka oo laga furay Gaalkacyo
DECEMBER 22, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Munaasabad xariga looga jarayay isbitaal loogu tala galay in lagu daweeyo dadka qaba cudurada Dhimirka ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Xafladan xariga looga jarayay xarunta lagu daweeyo dadka qabo xanuunka dhimirka ayaa waxaa dhismaheeda iska kaashaday ururka caafimaadka Galmudug iyo maamulka Isbitaalka Nasrulaah. Madaxa ururka caafimaadka Galmudug Dr C/raxmaan Nuure Jimcaale oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka xarunta ayaa sheegay in ay ugu tala galeen sidii loogu daweyn lahaa dadka qaba xanuunka dhimirka maadama ay ku soo bateen deegaanadaas isla markaana aysan jirin cid daryeesha. Sidoo kale wasiirka wasaaradda caafimaadka maamulka Galmudug Dr C/laahi Cilmi Xasan oo khudbad ka jeediyay xaflada ayaa uga mahadceliyay dadkii iska kaashaday dhismaha Isbitaalka loogu talagalay dadka qaba cudurka dhimirka. Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug C/samad Nuur Guuleed oo gaba gabadii hadal ka jeediyay xaflada ayaa xusay in furitaanka Isbitaalka uu yahay mid muhiim ah ayna wax badan ka badali doono daweynta dadka qaba cudurka dhimirka. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|