![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Dab ka kacay deegaanno hoos taga dagmada Maxaas
DECEMBER 29, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Dab sababay dhimashada dad iyo xoolo ayaa maanta ka bilaawday dagaanno hoos yimaada dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Inta la xaqiijiyay xoolo gaarayo 20 neef ayaa ku geeriyooday dabka waxeyna dadka deegaanka ay sheegayaan in la la yahay dad badan kuwaas oo ay ugu wardambeysay xiligii uu dabka bilaabanayay. Guddoomiyaha dagmada Maxaas Muumin Maxamed ayaa sheegay in dabka uu ka kacay dhul keen ah kaas oo baabi’iyay hanti iyo naf waxa uuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay gurmad u fidiyaan dadkii uu wax yeeleeyay dabka. wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in haatan lagu guuleystay daminta dabka, waxaana deegaanada uu dabka ka bilaawday ka mid ah Juujuule iyo Suubo oo hoos taga dagmada Maxaas. Dabkan geystay qasaaraha badan ayaana la ogeen sababta ka dambeysay waxaana inta bad dadkii daganaa deegaanadaasi aysan ogeen waxa uu ka dhashay. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|