![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Gud. Gardhuub”Guddi Ayaan U Saarnay Qiimeynta Qasaaraha Uu Sababay Dabkii Xalay”
January 26, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - maamulka degmada Xamar weyne ayaa magacaabay guddi soo qiimyo qasaarihii maaliyadeed ee uu sababay dabkii xalay ka kacay qeyb ka mid ah suuqa xamar weyne. Guddoomiyaha degmada X/weyne C/llaahi Ibraahin Sahal “Gardhuub oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in guddi loo saaray qasaarahii xalay ka dhashay dabkii ka kacay suuqa degmadaasi. Waxa uu intaa ku daray in la diiwaan galinayo qasaaraha si loo ogaado tirada rasmiga ah ee hantida ku baaba’day masii badaasi. Sidoo kale guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa uga mahadceliyay dhamaan dhinacyadii ka qeyb qaaday daminta dabkii baaxadda lahaa ee xalay suuqa Xamarweyne qabsaday. Bartanihii sanadkii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii uu dab noocaan oo kale ah uu qabsaday mid ka mida ah dhismayaasha ganacsi ee ku yaala gudaha suuqa Xamarweyne kaasi oo ay si ballaaran ugu gurmadeen maamulka gobolka banaadir oo kaashanaya shacabka degmadaasi.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|