|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Dagaal maanta ka dhacay duleedka Kismaayo, markii weerar ay qaadeen Ciidamada dowladda iyo Kenya
NOVEMBER 20, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo dagaalyahanada Shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.
Sida ay sheegayan wararka dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Yoontoy, oo qiyaastii 30-KM dhinaca waqooyi kaga beegan Kismaayo, halkaasoo ay weerareen Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo socday muddo afar saacadood uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in 9-ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamay ay ku dhinteen, iyadoo aaga lagu dagaalamay wali laga maqlayo rasaas goos goos ah.
Inkastoo aan wax war ah ka soo bixin dhinacyada dagaalamay, hadana maalmihii u dambeeyay ayaa Ciidamada huwanta ay qorsheynayeen inay gaaraan deegaano ku dhow dhow Kismaayo oo ay weerarada ka soo qaadi jireen Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda, Raaskambooni iyo ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa horaantii bishii October la wareegay magaalada Kismaayo, iyadoo wixii mudadaas ka dambeeyay Shabaabka weeraro madaafiic iyo ku dhufo ka dhaqaaq ku qaadayeen saldhigyada ay degan yihiin Ciidamada is garabsanayay.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|