|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Dagaalo u dhaxeeya ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab oo ka socda duleedka Kismaayo
DECEMBER 24, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaalo u dhaxeeya Ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Raaskambooni oo is garabsanaya iyo dagaalyahanada Shabaab, iyadoo dagaalkan uu socdo in badan 5-saacadood oo xiriir ah.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan ayaa inta la og yahay waxaa ku dhintay ku dhowaad 10-ruux, halka in ka badan 15-kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo ka mid ah dhinacyada dagaalamayay.
Dagaalka ayaa ka socda deegaanka Buulo-gaduud oo labo maalmood ka hor ay la wareegeen ciidamada huwanta, inkastoo la sheegayo in ciidamada tan iyo xalay ay wajahayeen weeraro kala duwan.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid fool ka fool ah, walina ka socdo deegaanka, isagoo xusay inay gacanta ku hayaan dhaawacyo ka tirsan Shabaab, halka ilaa lix dagaalyahan ka dileen.
Waxaa uu sheegay sarkaalkan in dhankooda hal askari ka dhintay labo kalena ka dhaawacmeen, inkastoo aanay jirin war ka madax banaan sheegashada sarkaalkan la hadlay mid ka mid ah warbaahinta Muqdisho.
Deegaanka Buulo-gaduud ayaa u jira Kismaayo 30-KM dhinaca waqooyi, waxaana ciidamada huwanta ay qorsheynayaan inay u gudbaan dhinaca Jubada Dhexe.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|