|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Maamulka degmada Dayniile oo sheegay in degmadaas ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab
DECEMBER 23, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Maamulka degmada Dayniile ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay ku xoogan yihiin degmada, kadib markii gudaha degmadaas ay iska hor imaadyo ku dhex mareen ciidamada dowladda iyo Xoogag taabacsan Shabaab.
Gudoomiyaha degmada Dayniile Dahir Xasan Xuseen ayaa sheegay in degmada ay ku soo bateen falalka amni darada, isagoo xusay in maalintii ay falal amaan daro ka geysteen rag ku labisan dareyska ciidamada, iyo habeenkii oo ay weeraro ku soo qaadaan dagaalyahanada Shabaab.
Hadal uu ka jeediyay kulan looga hadlayay ammaanka degmada ayuu sheegay in la isku afgartay sidii looga shaqeyn lahaa amniga, isla markaana bulshada degmada iyo maamulka ay xooga saari doonaan sidii loo sugi lahaa amaanka.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in maanta ay degmada soo gaareen Ciidamo ka tirsan xooga dalka, kuwaasoo uu xusay inay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka degmada iyo hareeraheeda.
"Waxaan kulankii maanta uga hadalnay sidii aan wax uga qaban laheyn amaan darida, iyo kooxaha nabad diidka ee ku soo kordhaya degmada, ciidamadana waxay sameyn doonaan howl galo"ayuu yiri Dahir Xasan Xuseen.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in habeen hore gudaha degmada Dayniile laga soo tuuray madaafiicda lagu weeraray nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada, iyagoo ku baaqay in ammaanka wax laga qabto.
Degmada Dayniile ayaa aheyd degmadii u dambeysay ee Al-Shabaab laga saaray horaantii sanadkan, kadib dagaalo qaraar oo dad badan ku dhinteen, kuwaasoo ay ku jireen ilaa lixdameeyo ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ka socday Brundi.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|