![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Qoysaska ku nool gobolka Sh/hoose oo laga deeyrinayo xaaladooda nololeed
JANUARY 10, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose C/llaahi Faarax Maxamed oo u waramayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay jiraan Boqolaal qoysas ah oo dhibaatooyin adag oo dhinaca nolosha ah ay ku heysato gobalka shabeelaha Hoose. C/llaahi Faarax ayaa tilmaamay in dhibaatada ugu adag ay heysato dadka ay ka dhasheen daadadkii ku soo rogmaday Tuulooyin ka tirsan gobalkaas kuwaas oo ka dhashay Roobab xiriir ah oo malmahan ka da’ayay gobalka. Madaxa Samafalka ayaa hadalkiisa raaciyay in burbur xoogan uu soo gaaray qaar ka mid ah wadoyinka Gobolkaasi, isagoona xusay in shacabka aysan helin gurmad muddo ka badan 4 sano. Waxa uuna ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo dowladda Soomaaliya in ay gurmad dag dag ah la gaaraan qoysaska ku tabaaleysan gobolka Sh/hoose. Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah gobolada ugu wax soo saarka Badan dalkeena marka loo eego dhaqashada Xolaha iyo tabcashada beeraha in kastoo ay jiraan cabashooyin badan oo ka soo yeeray beeraleyda gobalka taas oo la xiriirta cayayaan ku Habsaday dalaggii ay sanadkaan beerteen. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|