![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Xaaladda Deegaannadii Ay Shalay Ciidamadu La Wareegeen Oo Maanta Deggan January 21, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Xaaladda deegaannadii ay shalay la wareegeen ciidamada XDS ayaa maanta deggan iyadoo ciidamaduna ay isku ballaarinayaan deegaanno hor leh. Kadib markii shalay malleeshiyaadka shabaab si qasab ah ciidamada XDS uga faramaroojiyeen deegaan aad u ballaaran oo ka tirsan degmada Yaaqshiid gaar ahaan Jaamadda Muqdisho iyo Qubuurihii barakaad ayaa malleeshiyaadkii shabaab waxa ay ka huleeleen halkaasi, iyadoo xaaladda deegaannadii ay ciidamadu la wareegeen ay aad u degantahay mana jiraan wax rasaas ah oo la maqlayo. Ciidamada XDS ayaa halkaasi ka wada baaritaanno dheeraad ah si loo xaqiijiyo amaanka deegannada ay ciidamadu la wareegeen, waxaana ciidamadu heleen meydad hor leh oo ay ka carareen malleeshiyaadka shabaab iyadoo ciidamadu isu diyaarinayaan howlgallo dheeraad ah oo ay ku baacsanayaan malleeeshiyaadkii shabaab iyo ajaanibtooda. Taliyaha guutada Labaad ee Madaxtooyada G/sare C/llaahi Cali Caanood ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dagaalku haatan ka baxay Muqdisho isla markaana shabaab lagu ugaarsan doono gobollada Shabeellooyinka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in dhibaatada malleeshiyaadka shabaab laga dulqaadi doono shacabka ku dhaqan gobollada dalka si la mid ah sidii looga xoreeyeey Muqdisho. Malleeshiyaadka Shabaab ayaa u muuqda kuwo ka quustay in ay u jilibdhigaan howlgallada ay iska kaashanayaan ciidamada XDS iyo kuwa Amisom iyadoo haatan la iskala baxay muqdisho isla markaana la isla galay dhulka Howdka ah. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|