|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Gabar dhibane ah oo la gaarsiiyay deeq lacageed oo ka timid dhalinyaro ku nool dalka Canada “sawirro”
DECEMBER 23, 2012 (Radfiofreesomalia.com) -
Raaliyo Sheekh Abuukar waa gabar Soomaliyeed oo sida aad ka arkeysaan sawirada ay ka muuqato Muuqaal jireed oo aad looga naxo waxeyna waxyeelo ba’ani kasoo gaartay makiinad Cunada lagu kariyo oo ku shaqeysa koronto xili ay ku sugneyd magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Raaliyo waxaa baa’ba’ay intabadan muuqaalkii jirkeeda oo dabku la degay, waxaa xaaladeeda wax looga Qaban waayay cusbitaalada kuyaala dalka Kenya.
Raaliya Sheekh Abuukar sanadii 2010kii ayey aafadani haleeshay hase yeeshee waxaa loo soo duuliyay magaalada Muqdisho oo eysan kuhelin daryeel ay ku ilowdo dhibaatadii soo martay, cusbitaalada Kenya oo qiray ineysan xaaladeeda waxba uga qaban Karin gudaha dalkaasi.
Dhibanahan oo markii ay Muqdisho soo gaartey ay keenen dad Soomaali ah waxaa mudo ku dhow sanad ay ku silceysay isbitaalada kuyaala magaalada Muqdisho oo aakhirkii usheegay dadkii muslinimada ula joogay Raaliyo inaan dalka waxba looga qaban Karin kadib waxaa la iska dhigay qol yar oo aad u kulul Kaasoo kuyaala degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho.
Dhaawaca ugu weyn ayaa ka gaaray xubnaha taranka nuugmada iyo qaarka danbe oo dhibaatada ugu Badan ay ka qabto , mahelin wax gargaar ah oo lataaban karo hadana ka saacidi kara inay hesho deeq Caafimaad oo dibadeed waxaa waalo Soomaliyeed oo kunool dalalka Ingiriiska Mareykanka Denmark Canada Sweden iyo Norwey ay ka heshay lacago aan ka badneyn nolosheeda.
Xaaladda gabadhan ayaa ah fariin cad oo ku socota bulashada Soomaaliyeed oo maskax iyo gacanba ka Saacidi kara Raaliyo Sheekh Abuukar in ay hesho gargaar caafimaad oo dibedda loogu qaado
Agaasimaha Idaacadda Qaranka ee radiomuqdisho Sheekh C/raxiim Ciise Caddow ayaa maanta Gaarsiiyay Raaliyo Sheekh Abuukar lacag gaareysa 800 oo doolar taasoo uga timid muwaadiniin Soomaaliyeed oo kunool dalka Canada gaar ahaan magaalada Toronto.
Waxa uu agaasimuhu gacantiisa kula wareejiyay Raaliyo lacagtan isagoo ALLE uga baryay in uu siiyo Caafimaad buuxa maadama uu hayo xanuun daran isagoo dhinaca kalena uga mahad celiyay dadkii lacagahan soo gaarsiiyay.







Photo By Xasan Cadde
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|