|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Askari ka tirsan dowladda oo dhaawacay Sarkaal Madaxtooyada ka shaqeynayay
DECEMBER 19, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa maanta barqadii agagaarka Madaxtooyada ku dhaawacay Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada, gaar ahaan Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka, kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyay Ibraahim Iidow.
Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka la dhaawacay ay murmeen isaga iyo askariga kale, iyadoo kadib askariga uu rasaas la beegsaday.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in sarkaalka dhaawiciisa loo qaaday goobaha caafimaadka, iyadoo la sheegayo in askariga uu baxsaday.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka oo ku aadan sarkaalkan la dhaawacay oo horay sidoo kale uga mid ahaa saraakiisha ka tirsaneyd Xafiiska Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Shariif Xasan.
Dhowaan ayay aheyd markii askari ka tirsan dowladda uu dhaawacay Taliyaha ciidamada wadooyinka Jen. Cali Gaab, kaasoo mid ka mid ah lugihiisa ay rasaasta ka haleeshay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheysan ay fuliyaan kooxo bastoolado ku hubeysan iyo askar ka tirsan dowladda, iyadoo dhaawaca sarkaalkan uu imaanaya xilli ay socdaan dadaalo ammaanka lagu xaqiijinayo, kaasoo ay wado xukuumada Soomaaliya.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|