![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Dhagabadan oo sheegay in la isku furayo wadooyinka isku xira Jowhar iyo B/weyne
DECEMBER 10, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Taliska ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in la isku furayo wadooyinka isku xira jowhar iyo B/weyne xili shalay ay ciidamada la wareegeen magaalo madaxda gobolka Sh/dhexe ee Jowhar. Abaanduulaha ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya General C/kariim Yuusuf Aadan “Dhagabadan” oo wareysi siiyay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya isagoo ku sugan magaalada Jowhar ayaa tilmaamay in ciidamada dowladda ay ku howlan yihiin qaabkii ay iskugu furi lahayeen wadooyinka isku xiray magaalooyinka Jowhar iyo B/weyne. Dhagabadan ayaa intaasi raaciyay in la qorsheeyay sidii looga hartagi lahaa dhibaatooyin waliba oo ka imaan karo kooxda shabaab laga fikiray sidii looga hortagi lahaa si ay u carqaladeynin amaanka. Dhanka kale Generalka ayaa ka hadlay falalka amaanka ka dhanka ah ee ka dhaca qeybo ka mid wadada isku xirta Muqdisho iyo Marko kuwaas oo ay geystaan kooxo ku labisan dariiskii ciidamada dowladda waxa uuna ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan gobolkaasi in ay sugaan amaanka. Hadalkan ka soo yeeray abaanduulaha ciidamada XDS ayaa imaanaya xili saraakiisha ciidamada qalabka sida ay wacad ku mareen sidii ay dalka oo dhan uga cirib tiri lahaayeen kooxda al-qaacidada Soomaaliya ee shabaab iyo maleeshiyaadka ka barbar dagaalamo. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|