![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wasiiradda adeega Bulshada oo maanta dhagax dhigtay Dhismaha dugsiga 21ka Octoober ee Degmada Waaberi
DECEMBER 23, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wasiiradda horumarinta adeega bulshada ayaa maanta kormeer ku tagtay xarunta dugsigii farsamada Gacanta Buula Tigniko oo ay xiligan kasocoto dib udhis ay ka wado hay,ad waxbarasho oo turki ah iyo Xarunta dugsiga sare ee Banaadir oo isna dhismihiisu marayo heer geba gabo ah iyadoo dhagax dhigtay Dugsiga 21ka Octoober oo dib loo dhisayo. Wasiiradda horumarinta adeega bulshada Maryan Qaasim ayaa markii ay tagtay dugsiga Booli Tikniko Sheegtay in loo diyaarinayo sidii wax loo bari lahaa dhalaanka Soomaaliyeed ee mudada aan helin Waxbarashada iyadoo sheegtay inay ka faa.iideysanayan arday kala duwan oo rag iyo dumarba leh. Sidoo kale wasiirada oo soo indha indheysay xarunta dugsiga sare ee Banaadir ayaa tilmaamtay in arday Ka badan 700 wax lagu bari doono uuna noqon doono dugsi sare oo lacag la,aan ah kaasoo ay gacan ka Geysanyeyso dowladda Turkiga oo Soomaliya gacan weyn kusiisay sidii waxbarsho dibedda iyo mid dalka Ahba loo siin lahaa ardayda soomaaliyeed. 2 bilood kadib waxaan ka furi doonaa gudaha dugsiga sare ee Banaadir isbitaal lacag la.aan ah oo wax Loogu qabanyo dadka Soomaliyeed gaar ahaan haweenka iyo caruurta taasoo qeyb ka ah waxqabadka Xukuumadda ee boqolka maalmood ee soo socota ayey tiri marwo Maryan Qaasim oo maanta lahadashay warbaahinta Qaranka. Ugu danbeyntii wasiirka adeega bulshada ayaa ugu baaqday dadka Soomaliyeed ee kunool qurbaha inay Qeyb ka qaataan sidii ay wadankooda dib ugu soo celin lahaayeen heerkii uu marayay 20 sano kahor Iyadoo tusaale usoo qaadatay dadka ajnabiga ah ee nacaawinaya ha ahaato dhanka mileteriga Caafimaadka, iyo waxbarshadaba iyadoo u muujisay in Soomaalida looga baahanyahay inay kaalintooda Qaataan. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|