![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Dhagaxtuur ” Guddi ayaa loo saaray diyaarinta qorshaha cusub ee wasaaradda howlaha guud” DECEMBER 19, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ayaa guddi u saartay diyaarinta qorshaha cusub ee wasaaaradda Howlaha guud si loo horgeeyo golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya. Agaasimaha gaadiidka iyo dekadaha ee wasaaradda Howlaha iyo Gaadiidka mudane Maxamed Cismaan Cali “Dhagaxtuur” ayaa kulan ay agaasimeyaasha wasaaraddaasi ku yeesheen magaalada Muqdisho kaddib warbaahinta u sheegay in la bilaabayo diyaarinta qorshe howleedka dib loogu howl galinayo waasaaradda Howlaha guud ee dalka. Agaasime Dhagaxtuur ayaa intaa ku daray in guddi ka kooban lix xubnood loo saaray diyaarinta qorshahaasi, kuwaas oo maalinta axadda ah horkeeni doona maamulka wasaradda si loogu gudbiyo Wasiirka kaddibna loo hordhigo golaha wasiirrada. Wasaaradda Howlaha guud ayaa lagu biiriyay wasaaradda Gaadiidka iyo dekadaha, taas oo ka dhigan in wasaaradahasi ay yelanayaan hal maamul, ayagoo tillaabadaan kala siman dhammaan wasaaradaha hadda jira oo la isu geeyay laguna soo koobay 10 wasaaradood. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|