|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Golaha Wasiirada oo ka digay duufaano laga yaabo in maalinta berri ku dhiftaan xeebaha Somalia
DECEMBER 24, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Golaha Wasiirada Soomaaliya oo manta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka iyo duufaano laga yaabo in maalinta berri ay ku dhiftaan xeebaha koofur bari Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Hey'ad dhinaca saadaasha hawada qaabilsan oo fadhigeeda yahay Mareykanka ayaa soo saartay digniin ku wajahan dabeylo roobab wata oo ka dhaca maalinta baro xeebaha.
Kulanka Golaha Wasiirada ayaa laga soo saaray digniino ku wajahan dabeylaha, iyadoo si gaar ah loogu wargeliyay Kaluumeysatada iyo dadka degan deegaanad aku yaala xeebaha.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.oo saxaafada u faah faahiyay kulanka iyo waxyaabihii looga hadlay ayaa ugu horeyn sheegay in Golaha Wasiirada ay ka hadleen dhinaca amniga, gaar ahaan xog ay ka heleen in Al-Shabaab isku uruursanayaan duleedka Dayniile ilaa Wabiga Shabelle.
"Waxaan ka hadalnay arrimo ammaanka quseeya in maanta uu bilowdo howl gal, waxaa xog rasmi ku helnay in Dayniile ilaa Shabelle ay isku uruursanayaan Al-Shabaab oo raba inay weeraro ku soo qaadaan, Ciidamadana waa u diyaar garoobeen"ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka oo intaa ku daraya in Muqdisho uu ka bilowday howl gal habeen iyo maalin soconaya oo ammaanka lagu sugayo.
Sidoo kale waxaa uu wasiirku ka hadlay dabeylaha laga yaabo inay maalinta berri ku dhuftaan xeebaha Soomaaliya, isagoo ugu baaqay shacabka degan degmooyinka xeebaha Soomaaliya dhacay inay taxadar muujiyaan.
"Warar xaga odorosa oo saadaasha hawada ayaa sheegaya inay suura gal tahay berri duufaan inay ku soo abaaran tahay xeebaha Soomaaliya Alle ma keenee, waxaa shacabka degmooyinka dhaca xeebaha u jeedineynaa digniin, inay taxadar muujiyaan, dabeylahan ay dhici karaan in dhibaatooyin ay geystaan sidoo kale waxaa digniin gaar ah u direynaa kaluumeysatada Soomaaliyed in xiliga dabeylahaas ay dhacayaan inay taxadar aad iyo aad ka muujiyaan"ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka.'
Shabakad lagu magacaabo Accu-Weather oo ka faaloota arrimaha saadaasha hawada caalamka ayaa sheegtay in laga yaabo in maalinta berri xeebaha koofur bari Soomaaliya ay ku dhufato duufaano roobab wata, waxaana ay xustay in duufaanta ay saacadiiba jareyso 45-Mile
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|