![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Nin Ganacsade ah oo xalay lagu dilay Gaalkacyo NOVEMBER 20, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu dilay nin ganacsade ah oo si weyn looga yaqaannay magaaladaasi. Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ku dilay Allaha u naxariiste Aadan faarax dheere oo ahaa ganacsade caan ka ahaa magaaladaasi, iyadoo la sheegay in ay baxsadeen kooxihii geystay dilka ganacsadahaasi. Dilalka noocan oo kale ah ayaa looga bartay malleeshiyaadka argagixisada ah ee Shabaab, kuwaas oo hore u qaarijiyay kumanaan muwaadiniin Somali ah oo wax weyn u tari lahaa ummadda Soomaaliyeed. Falka lagu dilay ganacsadahan ayaa imaanaya xilli maamullada ka taliya Magaaladasi ay howlgalo lagu sugayo ammaanka ka wadeen xaafadaha kaladuwan ee magaaladaasi. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|