|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Haweeney ka tirsan Booliska Afganistan oo toogasho ku dishay Sarkaal Mareykan ah
DECEMBER 24, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Haweeney ka tirsan Booliska Afganistan ayaa toogasho ku dishay La taliye sare oo dhinaca amaanka, kaasoo u dhashay dalka Mareykanka.
Toogashadan oo ah tii u horeysay ee qof haweeney geysata, ayaa qeyb ka noqonaya weeraro toogasho ah oo mudooyinkii u dambeeyay dad xiran dareyska Ciidamada Afganistan u geysanayeen askarta ajaaniibta.
Saraakiisha ayaa sheegaya in Haweeneydan looga shakisan yahay inay ka tirsaneyd Dhaq dhaqaaqa Daalibaan oo la dagaalamaya Ciidamada shisheeye ee ku sugan Afganistan.
Ilaa 50-ruux xubin ka ahaa NATO ayaa sanadihii u dambeeyay lagu dilay Afganistaan, kuwaasoo ay toogasho ku dileen rag ka tirsan Ciidamada booliska iyo kuwo dharka ciidamada soo xirtay.
Saraakiisha xaga ammaanka ayaa ka qeyb qaadanayay howlaha lagu tababarayo Ciidamada Afganistan oo qeyb ka ah qorshaha NATO ay dooneyso in Ciidamada Afganistan ammaanka ula wareegaan ka hor 2014.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|