Codka Beesha

 



 

TALLO KU SOCOTA HOOYADA SOMALIYEED EE NORWAY CARUURTEEDI LOOGAGA QAATAY

 

Dic,29.2004 RadiofreeSomalia (RFS)

KU: HASSAN NORWAY SOMALI NET

Walaal waxaan aqriyay qoralkaadi aad noogu soo bandhigtay gabadha Somaliyeed ee caruurta laga qaatay. Aad iyo aad baan uga naxay, anigu hooyo baan ahay meel baa ii danqatay.

Waxaan jeclaan laha in aan arrimaha soo socdo ku tafaftiriyo. Walaal sharciga caruuraha iyo xuquuqda caruurta ee Europe u dhigan wuxuu sheegaya in Hooyada caruurteeda ay ayadu tahay "primary custodian", waxaa kaliya ee qilaaf sharci ahaan ka imaan kara arrimaha soo socda; LAKIIN HADDI UU ABAAHA SOMALIYEED AMA HOOYADDA SOMALIYEED GALEEN FALALKA DAMBIGA SOO SOCDA, maxkamad kasto oo Europe ku taal baa kala wareegi karta caruurta oo uu gudbin karta guryaha ama reeraha loo yaqaan (Foster Homes ama Custodial Parents):

  • Haddi ay hooyadu BALWAD (addiction) leedahay sida: drugs, alcohol ama Khat ay cunto oo ay markaas sabaabi karto in ay caruurteeda dayaacdo;
  • Haddi ay hooyadu JIRDIL joogta ah caruurteeda u geeysato (Physical abuse);
  • Haddi caruurta FALXUMO loogula isticmaalo, haddi uu qof qaangaar ah (adult) oo reerka la nool uu wax falxumo (sexual abuse) caruurta u geysto;
  • Haddi ay Hooyadu intey caruurta wadaankeedi fasax baan u geynaya ay tirahdo oo ay gabdhaheeda GUDNIINKA FIRCOONIGA (Female Genital Mutilation FGM) ay ku soo dhawacdo caruurteeda;
  • Haddi qof ka mid ah waalidka uu soo XADO caruurta (Custodial parent taking the children without the consent of the other spouse) uuna keeno wadaan sharciyada Europe ay heeshiisyo leeyihin (countries with mutual criminal presecution agreement), markaasna uu waliidka kale uu dacwo ku soo oogo;
  • Haddi ay hooyadu CUDURADDA MASKAXDA (Mental health) qabto oo aysan korin karin caruurteeda.
  • Haddi ay Hooyadu CRIMINAL act sameysay oo loo raadinayo dembi ay dowladda ama public interest ka gashay. WM

Walaal, marka bal arrinta gabadha Somaliyeed soo foolsaartay si ficaan u soo baar. Haddi aysan dembi inta ah aysan laheyn waxay ila tahay gabadha waa laga gar daran yahay. Waxayna qabsan karta FAMILY LAWYER ama Childrens Rights group ama Women's Rights group si ay ugu dacwooto caruurteeda.
Waxaad deg deg ula xariirta The Human Rights House ee jooga magaalada Oslo, ee Dalka Norway . Ciwaankoodda iyo dadka ka madax ah waa sidaan:

- Lars A. Christensen (Chairperson), Supreme Court Lawyer and Senior Partner of the law firm Wikborg, Rein & co.

Waa sharci yaqaan oo ka mid ah dadka maxkamadda wadanka ugu sareysa ka cod sameyn kara ama ku leh, isla markaasna leh xafiis law firm. Waxaa laga yaaba in ay lagac la'aan waxaa loo yaqaano PRO BONO PUBLICO ay gabadha ugu shaqeeyaan si ay caruurteeda ugu soo celiyaan.

Waa in aad si deg deg aad ula xiriirta oona waydisata PRO BONO PUBLICO si ay gabadha ay u cawiyaan ilana socodsii wixii Rabbi idinka siiyo. Illahna ha u sahlo gabadha Somaliyeed caruurteeda ayaduna ha samirto. Addreskooda waa kan

Contact HRH
Tordenskioldsgate 6b, 0160 Oslo, Norway
Tel: (+47) 22 47 92 47
Fax: (+47) 22 47 92 01
e-mail hrh@humanrightshouse.org

Dumarka Somaaliyeed, waxaan idinka codsanaya in aad KARTI iyo DADAAL ugula JIHADAAN naftiina, tan caruurtiina, tan hantidiina iyo tan nafsadiina oo aad mar walba la dagaalantaan XAQ DARADDA.

ILLAH HA NA WADA BAADBAADIYO. Amiin. Amina

Amina Abdi Mohamud


DonnaSomala@yahoo.com


Opinions expressed in this columns are those of the authors and not necessarily those of Radio Free Somalia.
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran karo tan Radio Free Somalia






Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.