|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo saaka u jirsaday magaalada Jowhar ilaa 20-KM

NOVEMBER 18, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saaka mar kale ku dhaqaaqay wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar, iyadoo dhowr jeer oo hore ay dib wadadaas uga soo laabteen, iyagoo aan gaarin magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada oo aad u fara badan, ayna taageerayaan gaadiidka dagaalka ayaa gaaray deegaanka Garsaale oo qiyaastii Jowhar u jira ilaa 20-KM.
Mid ka mid ah saraakiisha maamulka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ciidamada uu moraalkooda yahay mid aad u sareeya, isla markaana ay rajeynayaan inay magaalada gaaraan maanta duhurka, hase ahaatee Ciidamada ay ku hakadeen Garsaale.
Wararka ayaa sheegaya in inta Ciidamada ay ku sii socdeen wadada aanay wax iska caabin ah la kulmin, iyagoo sii maray deegaanada Isgoys, Gololey, iyo Qalimoow oo ku yaala wadada dheer ee isku xirta Balcad iyo Jowhar.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay gulufkaas ku keli yihiin, isla markaana aanay qeyb ka aheyn Ciidamada AMISOM, kuwaasoo ku sugan degmada Balcad iyo hareeraheeda.
Ciidamada ayaa dhowr jeer oo hore ka soo laabtay wadada, iyadoo markii u dambeysay ay aheyd bishii hore, inkastoo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee saaka uu ka duwan yahay kuwii hore.
Gaadiidka ku safra wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa soo sheegaya inay arkayeen Ciidamo fara badan iyo gaadiid dagaal oo wadada buux dhaafiyay, kana gudbay deegaanka Qalimow.
Xaalada magaalada jowhar ayaa ah mid degan, inkastoo dadku qabaan dareen la xiriira dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira duleedyada magaalada, halkaasoo saaka ay u soo jiheysteen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|