| Shabakada
Dayniile.com Iyo Aqoon la'aanta Saxaafada ka heysata.
Feb, 23.2005 Radio Free Somalia (RFS)
Horta marka hore, akhristaha waxaa rabaa
inaan in yar la kaashado inuu ila fahmo waxa lagu qeexay qofka
suxufiga ah. Mar la weydiiyey professor Jaamacada Columbia
University qeybta saxaafada wax ka dhiga inuu qeexo su'aasha
ah waa maxay suxufi. wuxuu ku jawaabay "Journalists are
the people
entrusted with defining reality". Suxufiyiintu waa shakhsiyaadka
sida runta ah u qeexa xaqiiqda. iyadoo sidan iyo siyaalo farabadan
oo la mid ah loo fasilay suxufiga ama weriyaha shaqadiisa,
ayaad waxaad moodaa shabakada Dayniile.com iyo kuwa badani
inay moodeen in saxaafadu tahay waxa loogu yeero "Choas
and biased coverage" War xun oo caadifadaysan.
Waxaa jirta shabakado badan oo si aad u xag
jira meel xun kaga dhaca, Soomaalinimada, Qaar kuwaas ka mid
ah ayaa had iyo jeer ka shaqeeya kala go'a dalka iyo dibidaabyeynta
Umada Soomaliyeed. Intii Aalada Technolojiyadu ku soo badatay
Qaarada Madow, waxaa jirta in dad badani ka faa'ideysteen.
Maalin la weydiiyey Suxufi u shaqeeya laamaha wararka ugu
waaweyn ee Cariga Maraykanka sida ay AALADA internetku u caawisay
saxaafada iyo gudbinta wararka waxaa uu ku jawaabay "Much
more easily, cheaply, and safely than ever before, we have
the ability to export and share these precious freedoms
via web-based journalism". aad ayey noogu sahashay oo
sid aad u rakhiisan baanu wararkayaga ugu gudbisanaa aalada
internetka iyo websiteka. iyadoo taasi jirto, shabakadaha
Soomalidu waa ka faa'ideysteen. Laakiin intooda badan waxaa
ay u isticmaaleen si qabyaaladaysan, caadifadaysan ama burburin
soomalinimo ku jirto. Websiteka Dayniile.com, waa website
aad iyo aad Warar aan run sal iyo raadtoona kulaheyn soo dhiga.
Waa website
Qabyaalada taala mogadishu Kobciya, waana aalada ugu beenta
badan inta aalad soomali jirto.
Waxaan saas u leeyahay, Dayniile.com waxaa
jirta in had iyo jeer wararka burburka iyo kala shakiga umada
ku dhaliya inay gudbiso, in Qabyaalada si qaawan ugu shaqeysato.
hadii aan taas cadeeyo waxaa jirta in Maanta wararkii ugu
danbeeyey ee February 20th, 2005,ay yihiin kuwo wada been
ah, oo ciyaal
aan aqoon u lahayn saxaafadu qoreen. (Wararkan maanta ay qoreen
waxaa si qaawan loogu aflagaadeynayaa Raisal wasaare Cali
Mohamed Geedi iyo dawlada,
waana war been ah). Mararka qaarkood ayaan is iraahaa, hade
wiilashu dawlad ma rabaane waxay raadinayaa wax kalle.
Inamada Qaarkood wax ku qoraan, ayaa la iixaqiijiyey
in Isbaarooyin ay ku leeyihiin agagaarka Magaalada Muqdishu.
si kastaba ha noqoteen, waxaan walaalayaashay kula talin lahaa
inay qaataan fikir wanaagsan iyo aqoon suuban oo ku saabsan
saxaafada.dhalinyarada wax ku qorta meesha waxaa laga yaabaa
in aqoontoodu aad u yartahay ama aysan waxbarasho dugsi hoose
dhaafin, oo ay kaliya yaqaanaan sida afka soomaaliga loo qoro.
Iyadoo taasi jirto waxaan kula talin lahaa in wiilasha dayniile.com
wax ku qora, loo sheego kheyraadka iyo aqoonta ay u
baahanyihiin oo ku salaysan sida wax loo qoro ama loo daabaco
iyo waxbarashada ay u baahan yihiin.
Ugu danbeyntii waxaa idaacada Qaranradio
ay dhamaan suxufiyiinta soomaliyeed ku baraarujinaysaa in
la ilaasho qawaaniinta iyo akhlaaqda (ethics) u degsan saxaafada
iyo werinimada.
In laga fogaado waxa lidka ku ah dawladeena
yar ee inoo soo kobocday.(hadii kalle saxaafadi ma ka shaqeyn
karto meel aan maamul ka jirin).
In saxaafada si run iyo daacadi ku jirto
loo gudbiyo.In saxaafada Soomaalidu Midoodo, oo ay iska kaashato
dhinacyada akhlaaqda, tababarada, & wadashaqeynta.
Wa bilaahi Tawfiiq.
mohidin@hotmail.com
"mohidin moallim"
|