|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Kulammo Gaar Gaar Ah Ku Qaatay Addis Ababa Iyo Shirkii Madaxda Afrika Oo Halkaasi Ka Soconaya”DAAWO SAWIRRADA”
January 30, 2012 (Radfiofreesomalia.com) -
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaga qeybgalaya Shirka Madaxda Afrika ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay madax kakala socotay dalalka Caalamka iyo xoghayaha guud ee Q.M Baankii moon.
Kulanka uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed la qaatay xogahayaha guud ee Q.M Baankii moon ayaa waxaa uu ku saabsanaa sida ay u fulilahaayeen ballan qaadyo dhowr ah oo ay caalamku u sameeyeen Soomaaliya ayadoo ugu horeynna kulanka lagu eegay guulaha laga gaaray howlgallada ka soconaya gudaha dalka ee lagu sifeynayo Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheeh Axmed ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey xoghayaha guud ee Q.M Baankii Moon sida ay jimciyada qurumaha ka dhaxeyso u fulisay go’aankeedii ku aadanaa in xafiiska Siyaasadda Q.M ee UNPOS loosoo raro Muqdisho waxaana uu dhanka kale Madaxweynuhu tilmaamay in ay rajeynayaan ballanqaadyada kalena iney sidaasi si la mid ah u fulaan.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa magaalada Addis Ababa ee kulammo gaar gaar ah kula qaatay wufuud ka kala socotay dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska kuwaasi oo uu kala hadlay xaalada Soomaaliya iyo sidii loo dhameystiri lahaa guullaha ay hada dowladdu gaartay.
Dhinaca kale Shirka Madaxda Afrika ee ka soconaya ee isla magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lasoo gebogebeynayaa manta oo Talaado ah ayadoo Madaxda Afrikana ay soo saari doonaan Warmurtiyeed ay ku dhanyihiin waxyaabihii ay islagarteen ayadoo qodobada laga hadlayna ay ugu horeyso guullaha laga gaaray howlgallada ka socda gudaha dalka ee lagu sifeynayo Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab.






































































Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|