![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wasiirka Gaashaandhigga Oo Kulan Ku Aadan Sii Wadida Howlgallada Iyo Dib U Dhiska Ciidammada La Qaatay Taliska Sare Ee AMISOM….WARSAXAAFADEED
NOVEMBER 23, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay taliska ugu sareeya Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM. Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxa uu si gaar ah kulan ula qaatay Taliyaha guud ee Ciidammada AMISOM Andrue Guthi iyo Taliye kuxigeenka AMISOM Simon Kranja ayaga oo ay ka wada hadleen sidii loo sii wadi lahaa howlgallada dalka looga saarayo Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab qodobkaasi oo ay Wasiirka Difaaca iyo Saraakiisha sar sare ee AMISOM ay si aad ah u wada gorfeeyeen. Sidoo kale intii uu kulanka socday waxaa ay ka wada hadleen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiisha sar sare ee AMISOM dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya gaar ahaanna Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed aydoo tayeyntooda iyo qalabeyntooda ay bar bar socoto. Wasiirka Difaaca Dalka ayaa yiri “kulanka waxa uu ahaa mid muhiim u ah sii socoshada sidii dalka looga xoreynlahaa kooxahan argigixisada waayo waxaa inaga go’an in sida ugu dhaqsiyaha badan aan dalka guud ahaan uga xoreyno cadawga kusoo duulay, insha Allah dhowaanna shacabka Soomaaliyeed waxey arki doonaan wax ay ku farxaan” “sidoo kalena kulanka waxaan uga hadalnay dib u dhiska Ciidammadeenna Qalabka Sida oo xiligan ay muhiimad gaar ah inoo leedahay tayeyntooda iyo qalabeyntooda , sidii dhalinyarada ay qaldeen kooxaha argigixisada ahna fursad mustaqbalkooda loogu abuurayo aynu ugu dhisi laheyn qeyb ayey kulankeena ka aheyd”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi. Ugu dambeyntii Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxey shacbiga Soomaaliyeed si kal iyo laab ah ugu guubaabineysaa iney ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo taageerrada Ciidammadooda si dalka uu cagahiisa isugu taago. ……DHAMAAD………….
Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|