![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Wasiirka Gaashaandhigga” Afarta sano ee soo socota waxaan soo celindoonaa awooddii ciidamada XDS”
DECEMBER 21, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidaamada xoogga dalka Soomaaliyeed mudada Afarta sano ah ee soo socota la gaarsiin doono sharaftii iyo awooddii ay lahaan jireen. Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga oo ka hadlay Munaasabad lagu dalacsiinayay saraakiil ka tirsan ciidamada XDS ayaa sheegay in Mudada Afarta sano ah ee soo socota la gaarsiin doono ciidamada XDS awoodi iyo sharafti ay lahaayeen, isagoo intaa ku daray in wasaaradda ay ka go’antahay sidii loo soo celin lahaa awooddii ciidamada. ‘’ Ciidamada XDS mudada Afarta sano ah waxaan gaarsiineyna awooddii iyo sharaftii ay lahaayeen, waxaa idin saaran waajibaad aad u culus, waxaana idinku guubaabinayaa in aad daacadnimo u shaqeysaan, anagana waxaan ku dadaali doonaa in qof kasta lagu qiimeyso wadaninimadiisa iyo waxqabadkiisa’’ ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Maxmuud Xaaji Fiqi. Wasiirka ayaa tilmaamay in qof kasta lagu abaalmarindoono waxqabadkiisa iyo kartidiisa, isagoo hoosta ka xariiqay in ciidamada la gaarsiindoono heer ay awoodooda isku haleyn karaan shacabka iyo dowladuba. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|