![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Taliyaha hogaanka socdaalka oo sheegay in ay kordheyso tirada dadka dalka ku soo laabanaya
JANUARY 9, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah fahin ka bixyey isbadelka socdaalka guud ahaan Soomaaliya iyo Soomaalida dibedaha muddooyinka sida aadka ah ugu soo laabaneyey. Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyada dowladda Soomaaliya General C/llaahi Goofoow Maxamuud oo warbaahinta Qaranka kula la hadlay xafiiskiisa ayaa ka waramay ku soo laabashada dadka Soomaaliyeed ee dalalka adduunka ka kala imaanaya, isagoo xusay in tirade dadkaasina ay sarre u sii kacday. Dhinaca kale taliyahaa Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyada oo wax laga weydiiyay xiriirka kala dhaxeeya garoomada caalamka iyo sida ay isu weedaarsadaan war-bixinnada, isagoona xusay in uu soo hagaagayo wada shaqeynta. War-bixinta Sannadkan iyo midda Todobaadka ee uu saaro hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyada ayaa noqotay mid heerkiidii dhaaftay marka loo eego sanadihii hore, waxaana warku uu sheegayaa in sannadka dalka dib ugu soo laabteen 83. 629 muwaadiniin Soomaaliyeed halka Toodobaadkiina ay yimaadaan dad kor u dhaafaya 2000 oo Soomaali ah. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|