|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Xildhibaan C/wali Gaas oo ka istiqaalooday Xubinimadii baarlamaanka

DECEMBER 29, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee la soo xulay bishii Agosto ayaa ka istiqaalooday xubinimadii baarlamaanka ee horay loogu dhaariyay
Kulan Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ayaa Gudoonka Baarlamaanka uu sheegay in Xildhibaan C/wali Gaas uu istiqaalo keenay, isla markaana uu ka tagay shaqada.
Intaas kadib ayaa waxaa loo dhaariyay booskiisa Yaasiin Cabdi Seed oo buuxinaya buuska Xubinimo ee Baarlamaanka uu ku fadhiyay Dr. C/wali Gaas oo ka mid ahaa musharaxiintii ku guuldareysatay doorashadii xilka Madaxweynaha.
Dr. C/wali Gaas oo dib ugu laabtay Mareykanka ayaa la sheegayaa inuu damac ugu jiro xilka Madaxtinimada Puntland, oo haatan khilaaf uu ka taagan yahay, markii Madaxweynaha Puntland Faroole uu ku dhawaaqay in muddo sanad uu kordhisanayo.
Sidoo kale waxaa isla xubinimada baarlamaanka ka tanaasulay Xildhibaan Xuseen Khaliif oo isna ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd xilka Madaxweynaha, waxaana xilkaas loo dhaariyay Xildhibaan C/rashiid Muuse Nuur.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaano kale ay jiraan, kuwaasoo doonaya inay istiqaalad keenaan, waxaana u badan xubnihii Wasiirada ka socday Xukuumadii C/wali gaas, kuwaasoo badankood dalka dibadiisa ku maqan.
Dhowaan ayay aheyd markii Prof. Dufle loo dhaariyay booskii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo liiska xildhibaanada ku jiray, balse aan loo dhaarin.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|