![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ra’isulwasaaraha Iyo Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirrada Oo Kormeeray Suuqa Xamarweyne Oo Xalay Dab Qabsaday’SAWIRRO’
January 26, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda KMG ah ayaa maanta kormeer ku tegey suuqa Xamarweyne oo xalay dab qabsaday. R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Prof C/weli Maxamed Cali “Gaas” oo ay wehliyaan wasiirka Warfaafinta, guddoomiyaha gobalka Banaadir, Taliyayaasha ciidamada booliska, melatariga, iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda ayaa kormeer ku tagay suuqa X/weyne oo xalay dab xoogan ka kacay. Mudane C/wali Maxamed Cali R/wasaaraha dalka iyo xubnihii lasocday ayaa ugu horeyn soo kormeeray meelihi dabka uu xalay sida xoogan uga kacay isagoo R/wasaaruhunu halkaasi warbixin kaga dhageeystay xubno ka socday ganacsatada suuqa X/weyne waxa ayna ka codsadeen dowladda KMG ah ee in ay gacan u fudiso ganacsatadii ku hantibeeshay dabkaasi. guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tasan” oo isna goobta dabka uu ka kacay ka hadlay ayaa sheegay in ilaa iyo iminka aan la xaqiijin Karin sababta rasmiga ah ee keentay in uu dabkan suuqa ka dhasho hasayeeshee ay muhiimadu tahay in wax laga badalo qaabka ganacsiga ee suuqa. Sidoo kale Prof Gaas ayaa sheegay in ganacsatada ku hanti beeshay suuqaasi ay dowladda wax la qaban doonto inta karaankeeda ah. Mas’uuliyiintii maanta kormeerka ku tagtay goobta uu xalay dabku qabsaday ayaa muujineysa sida ay dowladda Soomaaliya ugu taagantahay caawinta bulshada ay mas’uulka katahay. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|