Codka Beesha

 



 

MUDAAHARAAD LOOGA SOO HORJEEDO COL. C/YUSUF AYNA WADAAN EHELADII SULDAAN H
URRE OO LAGA QABAB-QAABINAYO LONDON…

Dic,4.2004 Radio Free Somali (RFS)

Warar rasmi ah oo naga soo gaaray London caasimada dalka Britian ayaa tibaaxaya inay jiraan olole weyn oo lagu diyaarinayo banaanbax looga soo horjeedo Col. C/Yusuf . Banaan baxan ayaa ku saabasan dilkii Suldaan Axmed Hurre oo loo haysto inuu ka dambeeyey Col. C/Yusuf.

Siciid Muuse oo ka mida wax-garadka Beesha Maxamed Cumar ee ku nool dalka Britian ayaa sheegay inay filayaan inuu Col. C/Yusuf u imaanayo magaalada London arin caafimaad ahaan, ayna isu diyaarinayaan siday u tusi lahaayeen caalamaka dambiga foosha xun ee uu sameeyey Col. C/Yusuf waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maxamed Diiriye oo ka mida xildhibaanada maamulka Col. C/Yusuf kana dhashay beesha Maxamed Cumar ayaa la sheegay inuu u kala dabqaadayey ehelada Suldaan Hurre eek nool dalka Ingiriiska iyo Col. C/Yusuf si arinta loogu dhameeyo wada hadal, taas ayaa hada u muuqata mid aan lagu guulaysan.

Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya inay jiraan dad Reer Somaliland ah oo raba inay ka qayb qaataan mudaharaadkan lagu samaynayo Col. C/Yusuf ee ka dhacaya magaalada London. Waxaana wararku sheegayaan in dadkaan Reer Somaliland ah ay ku dacwinayaan in dagaalkii ka dhacay Ar-cadeeye bil ka hor ee ay qaadeen maleeshida ka amar qaadata Col. C/Yusuf ay ku soo qab-qabsadeen dad reer baadiye ah, kuna hayaan maxaabiistaas magaalada Garoowe. Waxayna dadka Reer Somaliland sheeganayaan in dadkaas xoolo dhaqatada ah ee uu Col. C/Yusuf ka soo qab-qabsaday baadiyaha Ari-cadeeye uu sii daayo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa cad in arinta dilkii Suldaan Hurre ee loo haysto Col. C/Yusuf ay noqotay mid aan ilaahada wax xala laga gaarin. Dadka indha-indheeya khilaafaadka qabiilooyinka dhex-mara ayaa u ku tilmaamay haddii aan arintan wax laga qaban inay keeni doonto dagaal faraha looga gubto oo dhex mara Beesha Reer Mahad ee uu ka dhashay Col. C/Yusuf iyo Beesha Maxamed Cumar ee laga diley Suldaan Axmed Hurre.

Suldaan Axmed Hurre ayaa laba sono iyo saddex bilood ka hor lagu diley tuulada Kala-bayr oo ka tirsan gobolka Nugaal. Waxaana diley nin kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee Col. C/Yusuf oo la yiraahdo Gacameey Cabdi Baabi Yeey oo uu Col. C/Yusuf awoowe u yahayh. Markii Suldaan Axmed Hurre la dilayey Col. C/Yusuf wuxuu joogay goobta lagu diley Suldaanka, waxaana la cadeeyey inuu bixiyey amaray Col. C/Yusuf in la dilo Suldaan Hurre.

Farah Noor Omar

Xarfo-Mudug-Somalia

degmadaxarfo@yahoo.co.uk








Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   


|Privacy | Webmaster@radiofreesomalia.com