|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
20-ruux Tahriibayaal Soomaali oo ku dhintay shil gaari ka dhacay Libiya
DECEMBER 29, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ilaa 20-ruux Tahriibayaal u badnaa Soomaali ayaa ku geeriyootay shil baabuur ka dhacay meel ku dhow magaalada Misrata ee dalka Libiya.
Tahriibayaashan ayaa saddex ka mid ah ay u dhasheen dalka Eritrea, halka lix ay haween ahaayeen, iyadoo shilkan uu ahaa kii ugu xumaa ee noociisa.
Dadkan ayaa doonayay inay u safraan magaalada Tripoli, si ay halkaas uga raacaan doonyo, waxaana gaariga ay saarnaayene Tahriibayaan uu ahaa Tareel dusha ka saarnaa shamiinto.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Libiya C/qani Maxamed Waceys ayaa u sheegay idaacada BBC-da in gaariga ay saarnaayeen ilaa 120-ruux Soomaali tahriibayaan ah, oo u xusay xeebaha Libiya, si ay halkaas ugu sii tahriibaan qaarada Yurub.
Ciidamada Libiya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah tahriibayaasha ka bad baaday shilkaas, waxaana isbitaalka la geeyay dhaawacyada in ka badan sodon ruux.
Kooxaha wax tahriibaya ee u dhashay Libiya ayaa si qarsoodi ah Tahriibayaasha Afrikaanka uga dhoofiya xeebaha dalkaas, iyadoo marka ay deegaanada ka soo qaadayaan ku soo qariya gaadiid ay alaabo soo saaraan.
Sanad walba tobannaan kun oo Afrikaan tahriib ah ayaa u safra dalka Libya iyo dalalka kale ee ku yaal waqooyiga Afrika, iyaga oo rajeynaya inay ka gudbaan badda si ay u gaaran Yurub.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|