Codka Beesha

 



 


Muuqaalo Ka mid ah Muqdisho

Muuqaalka Muqdisho (Q -1aad)

Muqdisho waa magaalo caan ah, waxaa taariikhdu xustaa in ay magaceeda bixiyeen dad u dhashay Beershiyaan oo ku noolaan jiray waayihii hore,bad mareenno caan ah ayaa wax ka qoray keddib markii ay Muqdishu kuyimideen socdaal iyagoo xaryanno saaran.

Horraantii qarnigii 13aad waxaa muqdishu yimid badmareenkii caanka ahaa ee lagu magacaabayey Yaaquut al-xamawi, tilmaanno badan ayuuna ka bixiyay muqdisho; wuxuu sheegay in ay tahay muqdisho magaalo aad u bilicsan oo ay ku nool yihiin dad jinsigoodu u dhaxeeyo Suudaan iyo Jareer, balse aan labadaas jinsayadoodba aheyn isla markaasna aan lagaraneynin halka ay asal ahaan ka soo jeedaan, dadka Muqdisho ku nool waxay aad ugu fiican yihiin ganacsiga iyo dad soo dhaweynta.

Sidoo kale qarnigii 14aad waxaa booqashoku yimid Muqdisho badmareenkii carbeed ee lagu magacaabayey IBNU_BATUUTA, isagoo tilmaamaya muqdisho iyo dadkeeda wuxuu yiri: waxaa ku nool muqdisho dad habdhismeedka muuqaalkoodu uu aad u waaweyn yahay oo xirfadda xamaaliga ka xoogsada , ganacsiga iyo martigelintana ku fiican , salaaddana dukada, halkii maalin waxaa lagu qalaa magaalada muqdishu in ka badan lababoqol oo geel ah iyo xooloha noocyadooda kale oo fara badan. magaalada dhiig ayaa ka soo udgaya, guryaha ka dhisanna waa dhagxaan la malaasey.

Qofka ka mid ah dadka ku nool Muqdisho kaligii ayuu cunayaa inta ay cuneyso koox naga mid ah innaga, raashinka ay quutaan waxaa ka mid ah bariis subag iyo hilbo lagu kariyay, dadka ay martiqaadayaanna digaag ayey u qalaan, waxayna cunaan khudrad loo yaqaan Canbe.

Waxaa kale oo Muqdisho socdaal ku yimid badmareeno kale oo ajaanib ah oo iyaga wax ka qoray kana faalloodey bilicdii ay lahaan jirtay Magaalada Muqdisho.

Sida ay taariikhdu xusto Muqdisho ilaa saddex jeer ayey gubatey taasina waxay horseedday in ay sidii la rabey u ballaran weyso waayadii hore sida ay magaalooyinka kale u fideen.

Muqdisho waxay caan ku ahaan jirtay dhaqdhaqaaqa ganacsiga , waxayna xiriir la lahaan jirtay dekadaha waaweyn ee ku yiil dalalka xeebaha leh sida Indiya , Shiinaha , Masar iyo Khaliijka carbeed.

Waayihii gumeystaha Talyaaniga uu heystay Muqdisho suuqyada Shangaani iyo Xamar weyne dad ayaa lagu gedi jiray iyadoo is addoonsigu uu talyaanigu dhiirri gelinaayey si uu canshuur uga qaato dadkaas lakala gadanaayo.

Dagaalkii labaad ee adduunka waxaa soo weeraray Muqdishu Dayuuradiihii Dagaalka ee Ingiriiska iyagoo baacsanaya ciidamadii Talyaaniga ee Muqdisho ku sugnaa, goobo ay Xaafadda Boondheere iyo Xamar Jajbjab ka mid ahaayeen ilaa Carbiska afgooye ayeyna Bambooyin la dhaceen dadna ku laayeen iyagoo weliba ay taageerayaan Maraakiibtooda dagaalka oo madaafiic ka soo ridayey Xeebaha Muqdisho ee Badweynta Indiya.

Markii Talyaaniga loo xilsaarey howlihii xorriyad gaarsiinta Somaliya 1950, waxaa ku soo noqdey muqdisho Gumeystihii talyaaniga , waqtigii la qaatey Daakhiliyadana waxaa Muqdishu ka bilowdey dib u qaabeyn deegaanka Muqdisho la xiriirta , waddooyin ayaana laga bixiyay iyadoo qaarkoodna laami la saarey, dad arrintaas ka soo horjeeda ooguryahooda jid maray awgii looga jebiyayna waxay ku shireen:

LAMA JAMAAL MID WAA JIHAAD MIDNA ABUUSYADOW JEBSHAA

Labada Jamaalna waxay kala ahaayeen Jamaal Cabdinaasir oo ku jiray dagaalkii ku caan baxay saddexda codow ee 1956kii oo ay ku soo duuleen Masar Yuhuud, Faransiiska iyo Ingiriiska.

Jamaalka kalena wuxuu ahaa Duqii magaalada Muqdisho ee waagaas oo isagu u dhashay Shiikhaal oo dad badan oo abuusyo degganaa guryaha ka dumiyay xaafado cusubna u rarey.

Markii xorriyadda la qaatey waxaa fiday Muqdisho iyadoo uu kordhay dadkii degganaa , dhismooyin badanna la dhisay sida Dugsiyo, Xafiisyo iyo dhismooyin kale.Waxaa la sameeyey waddooyin waaweyn, isbitaallo, hoteello , garoon dayuuradeed IWM.

Waxaa Booqasho ku yimid Muqdisho Siyaasiyiin Caan ah oo uu ka mid ahaa Shonlaay oo ahaan jiray Ra'iisul-wasaarihii Shiinaha iyo Boqor Faysal ibnu c/casiis Boqorkii Sacuudiga iyo madax kale.

Waagii uu kacaanka ka dhashay Somaliya, Muqdishu dhismooyin aad u fara badan ayaa ka hirgalay , xaafado cusub ayaana muqdisho lagu kordhiyay,hoteelo badanna waa laga hirgeliyay, sida Curuba Hotel , Lafa weyn, Jubba iyo kuwo kale.

Waxaa laga hirgeliyay Dekad Cusub, Garoonkii Dayuuradahana waa la ballaariyay, waxaana booqasho ku yimid Muqdisho Madaxweynihii Ruushka Nekolai Bodgorni, waxayna muqdisho martigelisay horraantii todobaatameeyadii qarnigii tegay shirkii dalalka Afrikaanka ee OAU oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 22 madaxweyne iyo boqorro.

Waxaa kale ee lagu qabtey Muqdisho Shirar badan oo kala duwan , waxaana booqasho ku yimid madaxweynayaal ay ka mid yihiin, Xusni Mubarak, Jacfar AlNumeyri, iyo dhammaan madaxweynayaashii dalalkii ku bahoobey Tolweynaha Hantiwadaagga.

Muqisho waxaa ka jiri jiray nabadgelyo aan ka jirin sida ay u badnaayeen dalalka caalamka oo waqtigii la doono ayaa la socon jiray iaydoo la wato hanti kasta, waxaa loo yiqiin hoyga nabadda wax is dila ama wax isbooba kama jirin, balse dad ayaa nabadgelyadaas dhibsadey keddib markii ay maslaxaddooda ka hor timid oo magaaladii ka bilaabey iney dad iska jiifa guryahooda kala baxaan oo ay dabadeedna laayaan inta xeebnaha geeyaan.

Waa dhammaadkii siddeetameeyadiiye, waxaa si tartiib tartiib ah uga bilowdey Muqdisho is ugaarsi iyo is dil ay barbar ka yihiin ciidamadii dowladda, taasina waxaa la xiriiray in bankiyadii iyo shirkadihii maalin cad siyaabo kala duwan loo boobo , qaarna xoog lagu dhaco qaar kalena xeelad, iyadoo arrimahaas iyo kuwo kaleba ay horseedeen in muqdisho uu ka bilowdo kacdoon shacbi oo lagu doonayey in lagu rido dowladdii kaligii taliyihii xukunka heystay.

Kacdoonkaas iyo wixii la xiriiray ee muqdisho saameeyay waxan ku soo qadan doonaa qormooyinkeyna soo socda haddii eebbe idmo.

la soco talaadada dambe

Aweis Husein Shiino Muqdisho (RFS)

nabiil19@yahoo.com






Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   

(Qebta 2aad)
(Qebta 3aad)
(Qebta 4aad)
(Qebta 5aad)
(Qebta 6aad)

Muuqaalka Muqdisho 1
Muuqaalka Muqdisho 2
Muuqaalka Muqdisho 3
Muuqaalka Muqdisho 4
Muuqaalka Muqdisho 5
Muuqaalka Muqdisho 6
Muuqaalka Muqdisho 7

|Habargidir the most influential clan of Somalia.
|REPLY: PROFILE: HABERGIDIR BY KAYSE QARBOSH

Dhalashada:

Tacsi:

 



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.