|
Muuqaalo Ka mid ah
Muqdisho
Muuqaalka
Muqdisho (Q -1aad)
Muqdisho waa magaalo caan ah, waxaa taariikhdu
xustaa in ay magaceeda bixiyeen dad u dhashay Beershiyaan
oo ku noolaan jiray waayihii hore,bad mareenno caan ah ayaa
wax ka qoray keddib markii ay Muqdishu kuyimideen socdaal
iyagoo xaryanno saaran.
Horraantii qarnigii 13aad waxaa muqdishu
yimid badmareenkii caanka ahaa ee lagu magacaabayey Yaaquut
al-xamawi, tilmaanno badan ayuuna ka bixiyay muqdisho; wuxuu
sheegay in ay tahay muqdisho magaalo aad u bilicsan oo ay
ku nool yihiin dad jinsigoodu u dhaxeeyo Suudaan iyo Jareer,
balse aan labadaas jinsayadoodba aheyn isla markaasna aan
lagaraneynin halka ay asal ahaan ka soo jeedaan, dadka Muqdisho
ku nool waxay aad ugu fiican yihiin ganacsiga iyo dad soo
dhaweynta.
Sidoo kale qarnigii 14aad waxaa booqashoku
yimid Muqdisho badmareenkii carbeed ee lagu magacaabayey IBNU_BATUUTA,
isagoo tilmaamaya muqdisho iyo dadkeeda wuxuu yiri: waxaa
ku nool muqdisho dad habdhismeedka muuqaalkoodu uu aad u waaweyn
yahay oo xirfadda xamaaliga ka xoogsada , ganacsiga iyo martigelintana
ku fiican , salaaddana dukada, halkii maalin waxaa lagu qalaa
magaalada muqdishu in ka badan lababoqol oo geel ah iyo xooloha
noocyadooda kale oo fara badan. magaalada dhiig ayaa ka soo
udgaya, guryaha ka dhisanna waa dhagxaan la malaasey.
Qofka ka mid ah dadka ku nool Muqdisho kaligii
ayuu cunayaa inta ay cuneyso koox naga mid ah innaga, raashinka
ay quutaan waxaa ka mid ah bariis subag iyo hilbo lagu kariyay,
dadka ay martiqaadayaanna digaag ayey u qalaan, waxayna cunaan
khudrad loo yaqaan Canbe.
Waxaa kale oo Muqdisho socdaal ku yimid badmareeno kale oo
ajaanib ah oo iyaga wax ka qoray kana faalloodey bilicdii
ay lahaan jirtay Magaalada Muqdisho.
Sida ay taariikhdu xusto Muqdisho ilaa saddex
jeer ayey gubatey taasina waxay horseedday in ay sidii la
rabey u ballaran weyso waayadii hore sida ay magaalooyinka
kale u fideen.
Muqdisho waxay caan ku ahaan jirtay dhaqdhaqaaqa
ganacsiga , waxayna xiriir la lahaan jirtay dekadaha waaweyn
ee ku yiil dalalka xeebaha leh sida Indiya , Shiinaha , Masar
iyo Khaliijka carbeed.
Waayihii gumeystaha Talyaaniga uu heystay
Muqdisho suuqyada Shangaani iyo Xamar weyne dad ayaa lagu
gedi jiray iyadoo is addoonsigu uu talyaanigu dhiirri gelinaayey
si uu canshuur uga qaato dadkaas lakala gadanaayo.
Dagaalkii labaad ee adduunka waxaa soo weeraray
Muqdishu Dayuuradiihii Dagaalka ee Ingiriiska iyagoo baacsanaya
ciidamadii Talyaaniga ee Muqdisho ku sugnaa, goobo ay Xaafadda
Boondheere iyo Xamar Jajbjab ka mid ahaayeen ilaa Carbiska
afgooye ayeyna Bambooyin la dhaceen dadna ku laayeen iyagoo
weliba ay taageerayaan Maraakiibtooda dagaalka oo madaafiic
ka soo ridayey Xeebaha Muqdisho ee Badweynta Indiya.
Markii Talyaaniga loo xilsaarey howlihii
xorriyad gaarsiinta Somaliya 1950, waxaa ku soo noqdey muqdisho
Gumeystihii talyaaniga , waqtigii la qaatey Daakhiliyadana
waxaa Muqdishu ka bilowdey dib u qaabeyn deegaanka Muqdisho
la xiriirta , waddooyin ayaana laga bixiyay iyadoo qaarkoodna
laami la saarey, dad arrintaas ka soo horjeeda ooguryahooda
jid maray awgii looga jebiyayna waxay ku shireen:
LAMA JAMAAL MID WAA JIHAAD MIDNA ABUUSYADOW
JEBSHAA
Labada Jamaalna waxay kala ahaayeen Jamaal
Cabdinaasir oo ku jiray dagaalkii ku caan baxay saddexda codow
ee 1956kii oo ay ku soo duuleen Masar Yuhuud, Faransiiska
iyo Ingiriiska.
Jamaalka kalena wuxuu ahaa Duqii magaalada
Muqdisho ee waagaas oo isagu u dhashay Shiikhaal oo dad badan
oo abuusyo degganaa guryaha ka dumiyay xaafado cusubna u rarey.
Markii xorriyadda la qaatey waxaa fiday Muqdisho
iyadoo uu kordhay dadkii degganaa , dhismooyin badanna la
dhisay sida Dugsiyo, Xafiisyo iyo dhismooyin kale.Waxaa la
sameeyey waddooyin waaweyn, isbitaallo, hoteello , garoon
dayuuradeed IWM.
Waxaa Booqasho ku yimid Muqdisho Siyaasiyiin
Caan ah oo uu ka mid ahaa Shonlaay oo ahaan jiray Ra'iisul-wasaarihii
Shiinaha iyo Boqor Faysal ibnu c/casiis Boqorkii Sacuudiga
iyo madax kale.
Waagii uu kacaanka ka dhashay Somaliya, Muqdishu
dhismooyin aad u fara badan ayaa ka hirgalay , xaafado cusub
ayaana muqdisho lagu kordhiyay,hoteelo badanna waa laga hirgeliyay,
sida Curuba Hotel , Lafa weyn, Jubba iyo kuwo kale.
Waxaa laga hirgeliyay Dekad Cusub, Garoonkii
Dayuuradahana waa la ballaariyay, waxaana booqasho ku yimid
Muqdisho Madaxweynihii Ruushka Nekolai Bodgorni, waxayna muqdisho
martigelisay horraantii todobaatameeyadii qarnigii tegay shirkii
dalalka Afrikaanka ee OAU oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan
22 madaxweyne iyo boqorro.
Waxaa kale ee lagu qabtey Muqdisho Shirar
badan oo kala duwan , waxaana booqasho ku yimid madaxweynayaal
ay ka mid yihiin, Xusni Mubarak, Jacfar AlNumeyri, iyo dhammaan
madaxweynayaashii dalalkii ku bahoobey Tolweynaha Hantiwadaagga.
Muqisho waxaa ka jiri jiray nabadgelyo aan
ka jirin sida ay u badnaayeen dalalka caalamka oo waqtigii
la doono ayaa la socon jiray iaydoo la wato hanti kasta, waxaa
loo yiqiin hoyga nabadda wax is dila ama wax isbooba kama
jirin, balse dad ayaa nabadgelyadaas dhibsadey keddib markii
ay maslaxaddooda ka hor timid oo magaaladii ka bilaabey iney
dad iska jiifa guryahooda kala baxaan oo ay dabadeedna laayaan
inta xeebnaha geeyaan.
Waa dhammaadkii siddeetameeyadiiye, waxaa
si tartiib tartiib ah uga bilowdey Muqdisho is ugaarsi iyo
is dil ay barbar ka yihiin ciidamadii dowladda, taasina waxaa
la xiriiray in bankiyadii iyo shirkadihii maalin cad siyaabo
kala duwan loo boobo , qaarna xoog lagu dhaco qaar kalena
xeelad, iyadoo arrimahaas iyo kuwo kaleba ay horseedeen in
muqdisho uu ka bilowdo kacdoon shacbi oo lagu doonayey in
lagu rido dowladdii kaligii taliyihii xukunka heystay.
Kacdoonkaas iyo wixii la xiriiray ee muqdisho
saameeyay waxan ku soo qadan doonaa qormooyinkeyna soo socda
haddii eebbe idmo.
la soco talaadada dambe
Aweis Husein Shiino Muqdisho (RFS)
nabiil19@yahoo.com
|