|
Muuqaalo Ka mid ah
Muqdisho
Muuqaalka
Muqdisho (Qebta 2aad)
Kacdoonkii Muqdihsu wuxuu bilowdey iyadoo
gobollo badan oo Somaliya ka mid ah ay ka dhaceen dagaallo
, maalintii ugu horreysay ee kacdoonkaas bilowdeyna waxaa
madaafiic lal dhacay xaafadda Arjantiin ee ka mid ah deg.
Kaaraan, iyadoo ay arrintaas ay kaga jawaabtey USC-da Muqdisho
iney rasaasta( Sevenka) la dhacdo Villa Somalia halkaas oo
uu degganaa Maxamed Siyaad Barre, Isla Subaxnimadii xigteyna
Taliskii Siyaad Barre wuxuu duqeyn la dhacay Xaafado ka tirsan
Deg. Wardhiigley, wuxuu garaacey Hotel " Foloranso"
iyo agagaarradiisa, halkaas oo rasaas kaga soo dhaceysay Villa
Somaliya.
Keddib taladii ayaa faraha ka baxdey markii
ciidamo USC ah ay la soo baxeen hub kala duwan oo ay weerar
toos ah ku qaadeen xiryihii ciidamada Max'ed Siyaad Barre.
Maamlmo keddib markii uu dagaalkii socday
oo labada dhinac khasaarooyin isu geysteen, iyagoo isku dhex
ceyrsanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo bilowdey gurmadkii
USC oo kaga yimid degmooyinka Muqdisho ku dhawdhawaa, halkaas
oo ay ka bilowdeen dhibaatooyin aan waagaas lagu xisaabtamin
iney dhibaato keeni doonaan mustaqbalka, gurmadkiina waxaa
faraha loo geliyay odayaal dhaqameed kuwaas oo ciidamadii
gurmadka ahaa ku saleeyay qabiil xeerna ka dhigay in jufo
kasta si gaar ah ay isu maamusho dhaqaale ahaan iyo ciidan
ahaanba, taasna waxay soo hoysay in maleeshiyooyinkii gurmadka
ahaa ay amar ka qaadan waayaan saraakiishii dagaalka horkacayey,
taasina ay la xiriiraan in qaabkii dagaalka ama qorshihii
dagaalka ay ciriiri gasho fulintiisii, hakadyo badanna ay
dhacaan, muqdishana ay goobo badan oo ay suurto gal ahaan
laheyd in la difaaco haddii leys maqli lahaana ay ka dunto.
Markii lagu guuleystay in la rido taliskii
Xukunka heystay waxaa suurto geli weysay in xeryo la geliyo
maleeshiyooyinkii USCda ee gurmadka uga yiid goobaha kala
duwan hubkana uu faraha u galay.
Iyadoo taasi dhibaato ka taagan tahay ayaa
haddana waxaa muqdisho ka qarxay waqti keddib dagaalladii
sokeeye ee u dhaxeeyay USCda , iyadoo ciidamo kala taageeraya
hoggaamiyayaashii ururkaas ay dagaallo foodda is dareen muqdisho
gudaheeda.
Intii ay socdeen dagaalladaas waxaa muqdisho
ka dhexdhacay isbeddello badan oo lala barbarreyn karo dagaalladii
dhex marey gobolladii waqooyiga iyo koonfurta mareykanka ee
1865kii, iyadoo ay dagaalladii muqdisho ay burburiyeen dhismooyinkii
magaalada, ayna qixiyeen dadkii magaalada caanka ka ahaa sidey
u badnaayeen, muqdishana waxaa soo galay dad fara badan oo
dhaqamadoodii wata oo isugu jira kuwo magaalada ku soo duuley,
kuwo difaac u yimid, kuwo qax ah iyo kuwo boob u yimid oo
taageeraya hoggaamiye kooxeed.
Soo galeytiga muqdisho soo galey wuxuu la
mid ahaa biyo daad ah oo wax kasta qaadey , qooyanayana meel
kasta oo ay maraan wax ka badbaadayana aaney jirin , dhaqamadii
ay wateen oo ay miyiga kala yimideenna meel kasta ayey la
galeen, waxaana halkaas ka dhashay muqdisho dhexdeeda bulsho
cusub oo aaney dunida ka jirin nooc la mid ah
oo banii'aadam ku abtirsata .
Hadii la tilmaami tago bulshada Muqdisho
soo gashay dhaqannada cusubna keentay waxaa la oran karaa
waa bulsho aan diinta wax ka aqoon kuna dhaqmin in Qiyaamo
jirto oo si caddaalad ahna leysula xisaabtamayo aan ku baraarugsaneyn,
wax aqoon ahna habayaraatee aan la heyn, damiirna iskaba daa',
waxa ay xurmeynayaan dadyowga bulshadaasna ama ay ka heybeysanayaana
uu yahay qoriga, dunidooda waxay ku kooban tahay ama ay u
nool yihiin:-
* Iney helaan Jaad ay cunaan
* iney helaan xashiish ama nooc kale ee maan
dooriye ah
* iney helaan dumar iyaga la mid ah ama kuwo
ay fara xumeeyaan
Si ay u helaan walxahaas iyo waxyaalo la
mid ah , waxay diyaar u yihiin iney dilaan qof kasta wuxuu
doono ha ahaadee xitaa waalidkii iyo walaalihii.
Iney abuuraan dagaal ama isku dhac u dhaxeeyo
jufooyin ama kooxo IWM
Iney Boob sameeyaan sida Isbaaro, Xatoo,
iyo dhac qaawan oo aan meel leysugu soo gamban.
Fiiqidda guryaha, fuqsashada Dhagaxa guryaha
, qodista kaawooyinka telefoonnda , jaridda fiilooyinka korontada,
tubbooyinka Biyaha IWM.
Waxaa suuro gal ah in aad maqasho qof loo
dilay kun shilin ama majin qaad ah ama ay dhici karto in loo
dilo bac madow ama baako uu mukulaalo isaga dhaqaajinayey
oo uu watay iyadoo ay burcaddu u maleyneysay inuu hanti ku
wato.
Soo galeytiga muqdisho yimid iyo inta la
jaan qaaddey oo la mid noqotey, waxay magaaladii muqdisho
ee magaca laheyd dad badan oo maanta gurbaha jirana ay ku
riyoonayaan ama ay rajadoodu tahay iney maalin uun muqdisho
ku soo laabtaan ka dhigeen magaalo kale oo ka duwan muqdishadii
la yiqiin, maalin kasta maalinta ka dambeysana weji ayey u
yeelaan, wejigaas oo qofkii hore ugu dhashay Muqdisho uu la
yaabayo dhibna ay ku tahay siduu ula qabsan lahaa waxyaabaha
ka jira haatan Muqdisho.
Isbeddelada ku yimid Muqdisho haatan iyo
sidii ay u dhaqmi jireen faca annaga da'deyna ah(1960 -- 1990kii)waxaan
ku soo qaadan doonnaa qormooyinkeenna soo socda.
La soco talaadada dambe.
Aweis Husein Shiino Muqdisho (RFS)
nabiil19@yahoo.com
|