Codka Beesha

 



 


Muuqaalo Ka mid ah Muqdisho

Muuqaalka Muqdisho (Qebta 2aad)

Kacdoonkii Muqdihsu wuxuu bilowdey iyadoo gobollo badan oo Somaliya ka mid ah ay ka dhaceen dagaallo , maalintii ugu horreysay ee kacdoonkaas bilowdeyna waxaa madaafiic lal dhacay xaafadda Arjantiin ee ka mid ah deg. Kaaraan, iyadoo ay arrintaas ay kaga jawaabtey USC-da Muqdisho iney rasaasta( Sevenka) la dhacdo Villa Somalia halkaas oo uu degganaa Maxamed Siyaad Barre, Isla Subaxnimadii xigteyna Taliskii Siyaad Barre wuxuu duqeyn la dhacay Xaafado ka tirsan Deg. Wardhiigley, wuxuu garaacey Hotel " Foloranso" iyo agagaarradiisa, halkaas oo rasaas kaga soo dhaceysay Villa Somaliya.

Keddib taladii ayaa faraha ka baxdey markii ciidamo USC ah ay la soo baxeen hub kala duwan oo ay weerar toos ah ku qaadeen xiryihii ciidamada Max'ed Siyaad Barre.

Maamlmo keddib markii uu dagaalkii socday oo labada dhinac khasaarooyin isu geysteen, iyagoo isku dhex ceyrsanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo bilowdey gurmadkii USC oo kaga yimid degmooyinka Muqdisho ku dhawdhawaa, halkaas oo ay ka bilowdeen dhibaatooyin aan waagaas lagu xisaabtamin iney dhibaato keeni doonaan mustaqbalka, gurmadkiina waxaa faraha loo geliyay odayaal dhaqameed kuwaas oo ciidamadii gurmadka ahaa ku saleeyay qabiil xeerna ka dhigay in jufo kasta si gaar ah ay isu maamusho dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaanba, taasna waxay soo hoysay in maleeshiyooyinkii gurmadka ahaa ay amar ka qaadan waayaan saraakiishii dagaalka horkacayey, taasina ay la xiriiraan in qaabkii dagaalka ama qorshihii dagaalka ay ciriiri gasho fulintiisii, hakadyo badanna ay dhacaan, muqdishana ay goobo badan oo ay suurto gal ahaan laheyd in la difaaco haddii leys maqli lahaana ay ka dunto.

Markii lagu guuleystay in la rido taliskii Xukunka heystay waxaa suurto geli weysay in xeryo la geliyo maleeshiyooyinkii USCda ee gurmadka uga yiid goobaha kala duwan hubkana uu faraha u galay.

Iyadoo taasi dhibaato ka taagan tahay ayaa haddana waxaa muqdisho ka qarxay waqti keddib dagaalladii sokeeye ee u dhaxeeyay USCda , iyadoo ciidamo kala taageeraya hoggaamiyayaashii ururkaas ay dagaallo foodda is dareen muqdisho gudaheeda.

Intii ay socdeen dagaalladaas waxaa muqdisho ka dhexdhacay isbeddello badan oo lala barbarreyn karo dagaalladii dhex marey gobolladii waqooyiga iyo koonfurta mareykanka ee 1865kii, iyadoo ay dagaalladii muqdisho ay burburiyeen dhismooyinkii magaalada, ayna qixiyeen dadkii magaalada caanka ka ahaa sidey u badnaayeen, muqdishana waxaa soo galay dad fara badan oo dhaqamadoodii wata oo isugu jira kuwo magaalada ku soo duuley, kuwo difaac u yimid, kuwo qax ah iyo kuwo boob u yimid oo taageeraya hoggaamiye kooxeed.

Soo galeytiga muqdisho soo galey wuxuu la mid ahaa biyo daad ah oo wax kasta qaadey , qooyanayana meel kasta oo ay maraan wax ka badbaadayana aaney jirin , dhaqamadii ay wateen oo ay miyiga kala yimideenna meel kasta ayey la galeen, waxaana halkaas ka dhashay muqdisho dhexdeeda bulsho cusub oo aaney dunida ka jirin nooc la mid ah

oo banii'aadam ku abtirsata .

Hadii la tilmaami tago bulshada Muqdisho soo gashay dhaqannada cusubna keentay waxaa la oran karaa waa bulsho aan diinta wax ka aqoon kuna dhaqmin in Qiyaamo jirto oo si caddaalad ahna leysula xisaabtamayo aan ku baraarugsaneyn, wax aqoon ahna habayaraatee aan la heyn, damiirna iskaba daa', waxa ay xurmeynayaan dadyowga bulshadaasna ama ay ka heybeysanayaana uu yahay qoriga, dunidooda waxay ku kooban tahay ama ay u nool yihiin:-

* Iney helaan Jaad ay cunaan

* iney helaan xashiish ama nooc kale ee maan dooriye ah

* iney helaan dumar iyaga la mid ah ama kuwo ay fara xumeeyaan

Si ay u helaan walxahaas iyo waxyaalo la mid ah , waxay diyaar u yihiin iney dilaan qof kasta wuxuu doono ha ahaadee xitaa waalidkii iyo walaalihii.

Iney abuuraan dagaal ama isku dhac u dhaxeeyo jufooyin ama kooxo IWM

Iney Boob sameeyaan sida Isbaaro, Xatoo, iyo dhac qaawan oo aan meel leysugu soo gamban.

Fiiqidda guryaha, fuqsashada Dhagaxa guryaha , qodista kaawooyinka telefoonnda , jaridda fiilooyinka korontada, tubbooyinka Biyaha IWM.

Waxaa suuro gal ah in aad maqasho qof loo dilay kun shilin ama majin qaad ah ama ay dhici karto in loo dilo bac madow ama baako uu mukulaalo isaga dhaqaajinayey oo uu watay iyadoo ay burcaddu u maleyneysay inuu hanti ku wato.

Soo galeytiga muqdisho yimid iyo inta la jaan qaaddey oo la mid noqotey, waxay magaaladii muqdisho ee magaca laheyd dad badan oo maanta gurbaha jirana ay ku riyoonayaan ama ay rajadoodu tahay iney maalin uun muqdisho ku soo laabtaan ka dhigeen magaalo kale oo ka duwan muqdishadii la yiqiin, maalin kasta maalinta ka dambeysana weji ayey u yeelaan, wejigaas oo qofkii hore ugu dhashay Muqdisho uu la yaabayo dhibna ay ku tahay siduu ula qabsan lahaa waxyaabaha ka jira haatan Muqdisho.

Isbeddelada ku yimid Muqdisho haatan iyo sidii ay u dhaqmi jireen faca annaga da'deyna ah(1960 -- 1990kii)waxaan ku soo qaadan doonnaa qormooyinkeenna soo socda.

La soco talaadada dambe.

Aweis Husein Shiino Muqdisho (RFS)

nabiil19@yahoo.com






Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   



Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.