|
Muuqaalo Ka mid ah
Muqdisho
Muuqaalka
Muqdisho (Qebta 3aad)
Dagaalladii sokeeye markii ay dhaceen wax
kasta oo dhisnaa waa burburriyeen, si fududna waxaa u dumay
wax kasta , haddey dhismooyin ahaan lahaayeen iyo akhlaaqdii
banii’aadamka , waayo intii awoodi kartay iney qaxaan
wey qaxeen , intii qixi weysana waxaa jibaaxay dhaqamadii
cusbaa ee ay dadkii soo duulay ay wateen, in kasta oo ay haraaga
magaalada ku harey ay is adkeeyeen , dabeecadahoodiina xafiteen
waxay la mid noqdeen dad yar oo ka duwan inta badan oo kuwa
magaalada soo galay ay u heystaan dad lamid ah faraacinadii
hore oo dhaqamadoodii laga soo tagey.
Hadii aan ku hor maro dhinaca dhaqamada iyo
isbeddelka ku yimid tan iyo intii ay dhaceen dagaalladii sokeeye
magaalada muqdisho dadka soo galay waxay aad uga fog yihiin
ku dhaqanka akhlaaqda suuban iyo in ay u hoggaansanaadaan
nooc kasta oo sharci ah.
Dagaallada ka hor qof kasta oo magaalada
ku nool marka laga reebo in yar oo fara ku tiris ah wuxuu
ku dhaqmi jiray aadaab guud oo magalada ka jirtay haddey ahaan
laheyn u hoggaansanaanta sharciga , haddey ahaan laheyd in
uu isagu isxilqaamo, haddey ahaan laheyd in uu iska ilaaliyo
xumaha ay diinta ka reebeyso IWM, waxaadna arki jirtay marka
ay dadku isaga hor yimaadaan arrimaha qaarkood in la oran
jiray war sidaas ha la yeelo , war arrintu sidaas ma aha IWM,
dabadeedna lagu kala bixi jiray is qancis iyo wax is tusaaleyn.
Tusaale ahaan marka ay laba qof arrin isku
qabato, waa la garransiin jiray iyadoo weliba haddii loo baahdo
markaatida wax laga weydiin jiray sida ay wax u dhaceen, doodo
aqligal ah keddibna gar ayaa bixi jirtay , dabadeedna waa
leys qancin jiray , waana la kala tegi jiray.
Maanta waxyaabaha leysku qabanayo waa wax
gardarro cad ah oo aan u baahneyn markaati iyo dood is qancin
ah , waa lagu dulminayaa, keddibna xoog ayaa wax lagaaga fushanayaa,
mana jirto cid kaa dhageysaneysa garran iyo maangal, waxaad
mooddaa dadka qoryaha wata iney mar kasta iyagu garta leeyihiin
oo ay u xukuman tahay mar haddii uu qori wato uuna leeyahay
qabiil uu salka la galo.
Tusaale ahaan, goobaha ganacsiga ayaa waxaa
imaanayo nin debley ah oo qori wato, sida maqaayadaha ama
meelaha Qaadka lagu gado, raashin ayuu cunayaa, ama Qaad ayuu
qaadanayaa, keedibna markii uu qiimaha loo sheego ayuu iska
dhaqaaqayaa, marka la weydiiyo lacagta lagu leeyahay wuxuu
ku jawaabayaa ma heysto, keddibna buuq ayuu dhalinayaa, handadaad
ayaa ku xigsaneysa, keddibna haddii aadan ka aamusin rasaas
ayaa lagula dhacayaa, ama dhimasho ama dhaawac, nasiibkaa
hadba waa sidii aad noqoto.
Dhacdooyinkaas oo kale iyo kuwo la mid ah
waa kuwa maalin kasta lagu arko magaalada muqdisho, xeerka
ka dhashay arrinkaasna waa , haddii aad tahay qafka ganacsadaha
ah mid ka dhashay qabiil hubeysan oo lagu yaqaan goobtaada
ganacsigana looga jeedo hub yaalla wey culus tahay in laguugu
soo degdego, mar marse waxaa dhacda in debley aan kala aqoon
dadka ganacsatada ah ay halkaas tagaan ayna ku sirmaan gardarrana
ay sameeyaan dabadeedna isku dhac halkaas ka dhasho , qofkii
laga badiyaba.
Laakiin haddii aad tahay qof aan hubeysneyn,
goobtiisa ganacsina hub iyo waardiyo looga jeedin markaas
waxaad tahay hilib geed saaran qofkii ku soo gaaro ayaa
ku boobaya.
Magaalada wax is xil dhowr ah kama jiraan,
qof weyn lama xormeeyo, qof yar lama dhowro , waxaad arkeysaa
haween gaboobey oo waalan oo waddooyinka iska dhex marmaraayo
oo lagu leeyahay haweeneydaas xalay ayaa la xoogay oo ay kufsadeen
koox dhallinyaro ah!, culamaa'u diinkii doorkii aan ku niqiin
lahaan jiray lama xushmeeyo lamana dhageysto , waa lagu jees
jeesaa waxaana lagu tiriyaa suufiyaal gabooby oo laga baxay
waxa ay aaminsan yihiin.
Marka la eego dhinaca gaadiidka dadweynaha
, isbeddel ayaa ku yimid sidii lagu aqoon jiray sida ay u
shaqeeyaan, waxaa soo baxay darawaliin nooc cusub ah oo aaney
jirin wax ay ka yaqaaniin sharciga waddooyinka mar haddii
aaney jirin cid xakameysa ama fasax siineysa Darawaliinta
cusub, taraafikana aysan jirin, haddii uu shilgalana aaney
joogin cid tallaabo ka qaadeysa, waxaad arkeysaa darawal kasta
sidii uu doono inuu gaarigiisa u wadanaayo wax uu u aabo yeelaayana
aaney jirin xitaa naftiisa! waayo waxaad arkeysaa darawalku
markuu gaariga wadayo inuusan garaneyn in waddada lala leeyahay
shilna uu geli karo, taasina waxaa laga dhaxley in darawaliin
iyo dad kaleba shilal ku dhintaan, ma jirto marka waddada
ciriiri noqoto cid isku samreysa ama yeelan karta dulqaad
yar, darawal kasta wuxuu rabaa inuu isaga markahore uu dhaqaaqo,
taasina ay ka dhalato in waddadu xirnaato saacado dheer, nin
kastaana uu gaarigiisa densado leysna horfadhiyo ilaa ay debleyda
gawaarida qaarkood la socota ay rasaas furto ama ay is xabbadeeyaan
, halkaasna markaa lagu kala cararo oo ay waddadu sidaas u
furanto.
Intaas oo kaliya ma aha dhibaatooyinka ka
dhashay dabeecadaha laga tegay iyo sida ay u dhaqmaan dadka
Muqdisho ku badan ee wey fara badan yihiin, todobaadka soo
socda ayaana ku soo qaadan doonaa, muuqaalkale oo ka mid ah
magaalada Muqdisho haddii eebbe idmo
Aweis Husein Shiino Muqdisho (RFS)
nabiil19@yahoo.com
|