Codka Beesha

 



 


Muuqaalo Ka mid ah Muqdisho

Muuqaalka Muqdisho (Qebta 4aad)

Qoraalkii hore waxaan ku soo qaadanney in soogaleytiga Muqdisho ay hihiin kuwo aan akhlaaq iyo asluub laheyn oo ay kaluntey dabeecaddii ,maantana waxan soo qaadaneynaa halka ay ka soo nuugeen anshax xumida iyo dabeecadaha xun xun oo ay ku dhaqmaan , ama halka la oran karo bar tilmaameed ayey u tahay, taas oo ay doonayaan in ay hiigsadaan.

Soo galeytiga Muqdisho qabsadey , sida ay u badan yihiin waa dhallinyaro u soo gurmatey USC-dii ridday taliskii hore ee Maxamed Siyaad Barre,waxaana laga soo uruuriyay miyiga weliba hab qabiil lagu soo uruuriyay, markii ay magaalada soo gelayeenna qoryo ayey wateen, dagaalkii socdey ayeyna dhexda uga dhaceen.

Keddib markii la riday taliskii xukunka heystay ma suurto gelin in dhallinyaradii miyiga laga keenay dib loogu celiyo halkii laga soo uruuriyay, ama lagu uruuriyo xiro ciidan mar haddii ay yihiin meleshiyooyin aan leylisneyn ama aan wax ka garaneyn dhaqanka magaalada , waxaana markaas dhashay iney dhallinyaradaas qoryahooda magaalada la dhexgalaan iyagoo u isticmaalayaha qoryaha wax lagu xarakoodo, ayna is aaminsiiyaan inta ay qoriga wataan in aan dhankooda la eegi karin cid la hadli kartaana aaney jirin haddii ay caroodaanna ay qoriga sidii dharbaaxo ama feer ay u isticmaalaan qofkii ayku xanaaqeenna ay rasaaseeyaan.

Iyadoo ay rasaasta wiiftada ah magaalada ku badatey ayna dhacdey in dhallinyaradii miyiga laga keenay ay u dallaceen in ay bartaan rididda qoryaha waaweyn sida boobayaasha culus ama madaafiicda goobta , tababarkooduna uu noqdey in ay qoriga noocuu doono ha ahaadee ay ridaan meel kasta ha joogeen qofkuu doonana haku dhacee .

Ujeeddadu waxay aheyd in ay bartaan oo kaliya sida loo rido iyadoo aan loo fiirsaneyn halka lagu ridayo rasaasta ,ayaa waxaa bilowdey dagaallo goos goos ah oo u dhaxeeya USC-dii shalay isla ridday Taliskii hore, taasna waxaa laxiriiray in ay meleeshiyooyinkaku kala biiraan qabiilladooda weliba jufooyinka hoose , iyadoo ay dhasheen hoggaamiye kooxeedyo fara badan oo dhallinyaradii kala shubtey hubeeyeyna si ay ugu fushadaan danahooda gaarka ah iyadoo taasi loogu gambanayo in ciidanka hoggaamiye kooxeedku ay yihiin sharaftii qabiilka iyo kuwii looga cabsanayey.

Hoggaamiye kooxeedyadu waxay dhallinyaradii u suurto geliyeen markii hore in ay nolol maalmeed yar siiyaan ,keddibna markii ay qabatoomeen ay ku deeyeen dadweynihii iyagoo u saamaxay in ay isbaarooyiin sameystaan dadkana dhacaan si ay u helaan nolol maalmeed kooban oo aan ka baxsaneyn (Qaad, Daroogo–Kaniini ama Xashiish-Cunno fudud IWM)halkaas oo uu hoggaamiye kooxeedkii intaas u fududeeyay ay dhallinyaradii u arkeen in uu yahay nin ka fiican waalidkood iyo inta kale mar haddii uu yahay nin la fahmaya noloshooda iyo sida ay iyagu wax u rabaan.

Halkii laga doonayey hoggaamiye kooxeedka in uu dhallinyarada ka dhigo kuwo aadaab leh waxay ku dhiirri geliyeen wax kasta oo xun sida markii mid ka mid ah dhallinyarada uu qof dilo in uu ku tilmaamo geesi run ah oo difaac sameeyey loona baahna inuu qofkaas khaarjiyo mar haddii uu qofka la dilay uu amaan laga waayey.

Waxaa kale oo dhallinyada miyiga laga keenay falalka xun xun ay ku kacayaan ku dhiirri geliyay qaar ka mid ah odey dhaqameedyada oo iyagu wax badan kabeddelay sharci jiri jiray oo ah in qafkii siulakac ah loo dilo isagoon waxba galabsan dinyadiisu aheyd 100 geela ama 50 geela ay ka dhigeen wixii lagu heshiiyo iyo ka dhaqmid iyagoo xeer ka dhigtay in qofkii la dilo laga dhiibo 10 Milyan sh.So. welina iyaga ay lacagtaas inteeda badan ay iyagu qaataan dimbiilahana ay sii daayaan, qofkii waxa laga dileyna la siiyo laba milyan ShSo.

Taasna markii ay dhallinyarada(mooryaanta ah ) ay ogaadeen dadkii riqiis ayuu la noqdey si fudud ayeyna dadka u dilayaan, waxaana dhaqanka saldhigga ah uu noqdey (yaanan ku diline iga leexo haddii aan ku dulmiyo iyo haddii kale) Sidaas darteed maanta ma aha wax lala yaabo in lagu arko muqdisho qof loo dilayo bac madow oo uu qashin isaga dhaqaajinayey oo la moodayey inuu wato lacag.

Waxaa dhacday in mooryaanta qaarkeed ay soo saareen wax la yiraahdo ( Ku nasiibso) oo loola jeedo in ay dhallinyarada mooryaanta ah ay is qeybiyaan iskuna waafaqaan sida ay u kala horreynayaan keddibna qofka ugu horreeya iyaga uu disho qofka soo mara waddada keddibna uu ku nasiibsado inuu baarto waxhaka helo ama yuu ka heline, sidaasna ay arrintu ku socoto , intii la dilikarana la dilo.

Sidaas ayaa ka jirta Muqdisho iyo ka sii xun , balse intaas waa muuqaal fudud oo caqado ka noqotay magaalada.

La soco talaadada dambe.

Aweis Husein Shiino Muqdisho (RFS)

nabiil19@yahoo.com






Muqaalka Som

Horn Afrik

 

STN

 



 

 

 



 

 

 

 



Casharka Quraanka Kariimka

   

Sh.Omar Faruuq

   

Muuqaalka Muqdisho
Muuqaalka Muqdisho2
Muuqaalka Muqdisho3
Muuqaalka Muqdisho4


Home | Download | Support | Contact us
Help | webmaster@radiofreesomalia.com | Copyright © 2004 radio free somalia. All rights reserved.