|
Muuqaalo Ka mid ah
Muqdisho
Muuqaalka
Muqdisho (Qebta 6aad)
Muuqaalkaan waxaan ku soo qaadaneynaa maanta
Dhqdhaqaaqa Ganacsi ee ka jiramagaalada Muqdisho oo soo bolowdey
tan iyo intii la riday Taliskii ka jiray Somaliya.
Waxaa si tartiib tartiib ah jawiga uga baxay
ganacsatadii caanka ka aheyd Somaliya tan iyo intii la qaatey
xorriyadda sanadkii 1960kii iyagoo u arkey in dalka aaney
ka dhalan dowlad dhexe oo loo dhan yahay keddib markii la
riday dowladdii Maxamed Siyaad Barre, taasina waxaa la xiriiray
iney dhashaanganacsato yaryar oo aan la garaneynin halka laga
taakuleeyo oo ay dhaqaalaha ka helaan, in kasta oo uu jiro
tohon ah iney heleen bililiqo waxna ay boobeen, keddibna ay
isu beddeleen ganacsato.
Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxaa muqdisho
ka bilowdey ganacsi nooc kasta ah , waxaana suuqyada lagu
arkey badeeco aan hore weligeed Somaliya la keenin, ayna dhici
jirtay in uu badeecadaas wax ka mid ah reerkiisa u keeno qofkii
hela safar dibedda ah oo kaliya.
Nooc kasta oo ganacsi in kastoo maanta dalka laga helaa wax
canshuur ahna laga qaadin haddana aad ayuu qaal u yahay, maadaama
aysan jirin dowlad sicirka u goysa , ganacsatadana ay u badan
yihiin kuwo damiir laawayaal ah oo aan ilaah ka cabsaneyn.
Waxaa furmay Suuqyo badan oo ay ugu waaweyn
yihiin Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad oo markii aad tagtid
aad ku arkeysid badeeco fara badan oo nooc walba leh.
Markii aad marto waddada Howlwadaag ee hor
marta dhismihii loo yaqiin Olypic waxaa kuu muuqanaya carwooyin
fara badan oo safan waddada labadeeda dhinac oo lagu gado
qalab ay ka mid yihiin Mobillada noocii ugudambeeyay, Saxamanka
TV-ga, Matoorro, Electronics, qalabka Cumputerka IWM ,
Sarrifka lacagaha ayaad arkeysaa inuu meel
kasta bilqan yahay iyadoo la sarrifaayo lacagaha qalaad sida
Dollarka Mareykanka, Euraha Yurub, Giniga Istarlinka,Riyaalka
Sucudiga, Derhamka, Diinaarka Shillin Kenyatiga, Birta Itoobiyaanka
Frankiga Jibuti,iyo noocyo kale.
Inkasta oo uu ganacsi la yaable ka jiro Muqdisho,
haddana ma wada aha ganacsi nadiif ah waayo ganacsatada qaarkood
waxaa lagu eedeynayaa iney dalka keeneen lacag Shilin Somali
ah oo been abuur ah, taasoo ay ku gateen dhulal keddibna ay
daaro waaweyn ka dhisteen ayna ku bilaabeen howlo ganacsi
iyadooay dhacdo iney u tagaan dadka iska leh guryaha ku dhowdhow
suuqyada keddibna ay u sheegaan lacag aad u badan oo uu dafayo
qofkii iska lahaa dhulka.
Ganacsatada qaarkood waxay gaareen heer ay
u safraan dalalka daawooyinka sameeya sida dalal ku yaal qaaradda
Asia keddibna ay ka codsadaan iney u sameeyaan daawo aaney
buuxin ama ay dhameystirneyn walxaha kiimikaad oo ay ka sameysan
tahay , dabadeedna ay dalka keenaan daawadaas dadweynaha ay
ka gadaan maadaama aysan jirin hey'ad ku shaqo leh baarista
daawooyinka dalka soo gala, sidaasna ay ku noqdaan ganacsato
waaweyn , kuwaas waxaa la mid ah kuwo dalka keena raashinka
dhacay IWM oo iyagana sidaas ku lacagaystay,
Waxaad Muqdisho ku arkee gawaaridii ugu dambeysay
ee uu farsameeyo Japan-kaoo ay wataan dad aan ehel u aheyn
oo dadka qaarkii ku sheegayaan in qofka wata gaarigaas uu
mar dhaweyd ahaa mooryaan dadka laaya !
La soco talaadada dambe.
Aweis Husein Shiino Muqdisho (RFS)
nabiil19@yahoo.com
|