|
Muuqaalo Ka mid ah
Muqdisho
Muuqaalka
Muqdisho (Qebta 6aad)
Saameynta ay
ku yeesheen Muqdisho qaar ka mid ah dagaallada ka soo cusboonaadey
koonfurta Soomaliya.
Dagaallada ka soo cusboonaadey qaar ka mid
ah gobollada Koonfureed ee Somaliya ayaa cabsi weyn ku soo
kordhiyay shacabka Somaaliyeed iyadoo ay horeyba dalka ay
uga jireen ammaan darro iyo xasillooni la'aan taasoo ciriiri
gelisay habsami u socodka Noloshii caadiga aheyd ee dalka
ka jirtay.
Shacabka Somaliya oo muddo afar iyo toban
sano aheyd ku soo jirey dagaallo sokeeye oo aan xad laheyn
iyadoo ay intaas u sii wehliyeen abaaro, cudurro iyo gaajo
ayey haddana dagaallo hor leh ka sii dhex qarxeen xilli la
rejeynayey in Dowllad loo dhan yahay lagu soo dhiso Nairobi.
Dagaalladaan soo cusboonaadey ayaa qaarkood
ay u dhaxeeyaan jufooyin walaalo ah oo si aad iyo aad ah isugu
dhawaa laguna tirinayey kuwa ugu deggan beelaha ay ka tirsan
yihiin uguna reer magaalsanaa, hal meelna isla degganaa haddey
miyyi ahaan laheyd amaba magaalo gaar ahaan magaala madaxada
Somaliya ee Muqdisho.
Dagaalladan hadda ka soo cusboonaadey Koonfurta
Somaliya ayaa qaarkood waxay ka bilowdeen is afgaransho waa
dhex marey meleeshiyo beeleed ku nool miyiga kaasoo isku beddelay
gacan ka hadal iyo in dad leyska dilo, dabadeedna dagaalladii
ay u soo tallaabaan magaala Muqdisho ayna bilowdaan in ay
is ugaarsadaan labadii jufo ee colaadda u dhaxeysay.
Is ugaarsigaas ka bilowdey Muqdisho wuxuu
khalkhal geliyay degganaashihii yaraa ee ka jiray magaalada
keddib markii la dilay nin ganacsade ahaa ee Makhaayad ku
lahaa ka soo horjeedka Ajibta Beyxaani ee Xaafadda Shibis,
dilka ninkaasna waxaa la xiriiray in jufadii uu ka dhashay
ay iyagana ugaarsi bilaabaan, dagaalladiina ay u sii tallaabaan
agagaarka Tixsiile iyo Warmaxan , halkaas oo ay jiraan dad
xoolo dhaqato ah oo ka tirsan labada jufo ee dagaalku u dhaxeeyo,
halkaasna dagaallo ka dhacaan dhowr qofna lagu dilay.
Dhanka kale magaalada Muqdisho waxaa ku soo
kordhay xasilooni darro iyo cabsi dad weynuhu ka qabaan in
lagu kahdoomo oo si qalad ah loo dilo , waayo jufooyinka dirirtu
ka dhaxeyso waxaa dhex deggan dad kale oo ka heyb duwan balse
aan la kala garaneynin isku dhex jurkooda.
Waxaa kale ee la xiriiray is ugaarsiga jufooyinkaan
in waddooyinka qaarkood cabsi gaar ah ka jirto sida waddada
Wadnaha gaar ahaan isgoyska Siinay oo ay ku badan yihiin meleeshiyooyinka
mid ka mid ah jufooyinka dagaalladu u dhaxeeyaan, taasoo sababtay
in suuqii Siinaay iyo Rugihii Caafimaad ee ugu weynaa Magaalada
ay howlahoodii hoos u dhac ku yimaad keddib markii ay dadkii
imaanayey goobahaas ay yaraadeen cabsi awgeed.
Dhanka kale waxaa dhuumaaleysi iyo is ilaalin
adag is geliyay ganacsatada ,aqoonyahannada &darawalyaasha
u dhashay labada jufo oo colaaddu ka dhaxeyso , taasoo keentay
in howlahoodii ciriirigalaan amaba ay gebi ahaanba joogsadaan,
taasoo aad u gilgishay ganacsigii iyo habsami u socodkii nolol
maalmeedka magaalada iyo sidii looga bartay.
Ilaa iyo hadda ma cadcadda tallaabooyin la
xiriira waan waan la dhex dhigo jufooyinka is colaadinaya
waayo , dhowr mar oo ay hore u dagaallameen jufooyinkaan ayaa
waxaa soo dhex galay wax garad nooc walba leh iyadoo loo xeeray
iney ku dhaqmaan shariicada Islaamka oo ay is qisaasaan markii
ay wax iska dilaan, balse jufo ka mid ah labada jufo ayaan
u hoggaansamin , taasina waxay ka careysiisay waxgaradkii
xeerkaas kala dhex dhigay jufooyinkaas, waxaana muuqata haatan
ineysan wax garadkii aysan ku soo degdegeynin kala dhexgalkooda.
La soco talaadada dambe.
Aweis Husein Shiino Muqdisho (RFS)
nabiil19@yahoo.com
|