|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Al-Shabaab oo ku goodiyay inay sii wadayaan weerarada ay la beegsanayaan Madaxtooyada
DECEMBER 27, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Waaliga Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa faah faahin ka bixiyay howl galo uu sheegay inay ka fuliyeen maalmihii u dambeeyay magaalada Muqdisho.
Cali Maxaa Xuseen ayaa sheegay in weeraradaas ay amakaag ku riday dowladda iyo taageerayaasheeda, isagoo tilmaamay in weeraradii ay la beegsadeen Madaxtooyada uu tusaale u yahay in wali magaalada Muqdisho ay awood ku leeyihiin.
"Dhowrkii habeen ee la soo dhaafay waxaa dhacay howl galo mujaahidiinta ka sameeyeen Muqdisho, madaafiicda lagu tuuray Madaxtooyada oo ah halka ugu weyn saldhigooda, waxayna dhalisay amakaag, meel walba looga hadlayay hadii ay ahaan laheyd reer galbeedka"ayuu yiri Cali Maxaa Xuseen oo dhowaan xilka Gobolka Banaadir ay Shabaab dib ugu magacaabeen.
Waxaa uu sheegay inay sii wadayaan weerarada ay la beegsanayaan Madaxtooyada, waxaana uu ku eedeeyay AMISOM iyo dowladda inay ku fashilmeen sugida ammaanka, isla markaana magaalada aanay aheyn mid amaan ka jira.
Horaantii todobaadkan ayay aheyd markii madaafiic lagu soo tuuray xaafado ku dhow dhow Madaxtooyada, kaasoo geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiisha hey'adaha ammaanka ayaa xaqiijiyay inay ciidamo la dejiyay goobihii madaafiicda laga soo tuurayay, isla markaana ay gaareen saldhigyadii weerarada ka soo abaabuli jireen Shabaab oo ku yaala duleedka Muqdisho.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|