|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho
DECEMBER 12, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Guddomiyaha baarlamanka dalka Jabuuti Idiris Aar Naaquud Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka soo degey maanta garoonka dayuuradaha magaalada Muqdisho.
Wafdigan ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka dayuuradaha Aadan Cadde guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari iyo xubno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliyeed.
Ujeedada booqashada guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa la sheegay inay tahay sidii uu wadahadalo ula yeelan lahaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliyeed si loo sii xoojiyo xiriirka ka dhexeeya labada baarlamaan.
Booqashada uu guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti Idiris Aar Naaquud Cali uu ku yimid Muqdisho ayaa qeyb ka ah booqashooyin ay mas’uuliyiinta labada dal isweydaarsanayeen taasi oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal.
Waxaa dhowaan dalka Jabuuti booqasho ku tegey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayay iyagoo wadahadalo la yeeshay madaxda dalka Jabuuti.
Ciidamada nabad ilaalinta ee ururka Midowga Afrika ka jooga dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo badankood ay ku sugan yihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|