![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Gudoomiyaha Haweenka Soomaaliyeed ee UK oo soo dhaweysay mudnaanta ay dowladu siisay haweenka
JANUARY 4, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Gudomiyaha haweenka Soomaaliyeed ee Uk ahna gudomiyaha daladaha Haweenka Yurub marwo Kutubeey Cali Max’ed ayaa talaabo farxad leh ku Tilmaantay isku xirnaanta haweenka Soomaaliyeed iyo kaalinta qiimaha badan Ee ay siisay dowladda Soomaaliya. Marwo Kutubey Cali Max’ed ayaa soo dhaweysay isku xirnaanta haweenka Somaliyeed iyo kaalinta ay siisay dowladda Soomaaliya, waxeyna daboolka Ka Qaaday Kutubeey iney tahay weji cusub oo u furmay gabdhaha Somaliyeed iney ka mid noqdaan madaxda dowladda. Kutubeey Cali Max’ed waxay intaa raacisay in haweenka ku jira xukuumadda ay Dowladdu siisay ahmiyad weyn oo mas’uuliyadeed, taasina ay meesha Ka Saartay kalsoonidarro haweenka heysatey oo ay ka bogsadeen. Haweenka Somaliyeed ayaa udub dhexaad u ah horumarka bulshada ee loogu Adeegayo dalka iyo dadka tanina waxay meesha ka saareysaa shakigii Haweenka Soomaliyeed ragaadiyay. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|