![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Ciidamada Amaanka degmada Guriceel oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro Ajaanib ah
DECEMBER 28, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Ciidamada amaanka degmada Guriceel ayaa gacanta ku soo dhigay Laba Dhalinyaro ah oo aan garaneyn Afka Soomaaliga kuna hadlaya luqada Sawaaxiliga. Howlgal ay sameeeyeen ciidamada amaanka ee degmada Guriceel ayeey ku soo Qabteen Laba dhalinyaro ah oo an garaneyn luqada Soomaaliga isla markaana ku Hadlayay Sawaaxili, kuwaas oo laga soo qabtay deegaan Miyi ah oo Bari kaga Toosan magaalada Guriceel. Muuse Macalin Maxamuud oo ah U sheegay in dad reer miyi ah ay soo sheegeen markii ay arkeen labadaasi Dhalinyarada ah oo aan deegaanka kala garaneynin, kadibna ciidamadu waxey Ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan iyadoo hadda lagu hayo xabsiga. Raggaasi ayaa la rumeysanyahay in ay ka mid ahaayeen ajaanibta ka midka ah Argagixisada Shabaab Alqaacidda, waloow uu maamulku sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii loo ogaan lahaa waxa ay yihiin ragaasi. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|