|
Xuseen Caydiid – la mood noqonse waa!
Xuseen Caydiid oo ah ninka ugu da’da
yar dagaal oogayaasha soomaaliya sida aabihii ama kuwa kale
ma ahayn nin ay gaajo u gaysay ama jahli ama waayey m
eel uu adduunka ka aado ee waa nin la bedelay . Odayaal ay
isku qabiil yihiin oo ka waaya aragsanaa kana da weynaa ayaa
markii aabihii la dilay shirq
ool u dhigay oo madax u geliyay wax uu weligii ka shalayn
doono. (qabiil u dirir iyo dhiig islaam). Xuseen waxaa uu
haystay fursad aanay dagaal oogayaasha kale haysanin. Waxaa
uu deganaa dalka maraykanka waxna ka bartaykana shaqaysan
jiray waxaana uu xamar ku laabtay markii aabihii uu madax
ka ahaa USC . Odayaasha waxa ay u sheegeen lama oga laakiin
waxay u badan tahay in ay yiraahdeen sidii aabahaa noqo oo
dhul qabso, dad dil, hanti boob asagana waa ka yeelay.
Xuseen Caydiid talooyinka dhaafay waa sidan:
1) Inuu ka naxo aabihii oo ka waaniyo dhiiga
soomaalida ee uu ku waashay ilaa laga dilo. Waxay ahayd inuu
aabihiis u nasteexeeyo waayo meesha uu
aabihii isku waalayay waaa xamar oo noqotay meesha ninkii
iswaalaba fariisiisa ( Xamar waa meeshii Siyad Barre ka cararay,
maraykan ka cararay, Caydiid madaxa iyo caloosha looga toogtay
markii uu iswaalay, Cali Mahdi gurigiisii duhur la biliqaystay,
Xuseenna ku soo laaban la’ yahay, waa meel qofkasta
faraha uga gubto). Waxay ahayd inuu aabiii badbaadiyo waayo
waa la ogaa nin kasta oo xamar isku waal in waabiye helayo..
2) Inuu aabihii geeyo mental hospital ama
psyciatric clinics. Xuseen waxaa uu ahaa nin yaqaan soona
arkay sida loo xanaaneyo dadka waalan laakiin ku fiirsaday
aabihii waalida – marka nin aabihii wax tari waayey
yaa kaleoo uu wax tarayaa? Xuseen aabihii waa dayacay oo jiradii
buu ku dhaafay asagoo lacag u heli karay oo uu ku daaweeyo.
3) Gobolka Bay marakii ay ku dhimanaayeen
boqolaalka kun oo qof waxaaku faananaye inuu ka taliyo aabihii.
Xuseen markii uu noqday madaxa USC waxay ahayd inuu marka
u horeyso ciidankiisa ka soo qaado oo dadkaas u sameeyo maamul
ay ayagu leeyihiin oo muujiyo inuu ka xun yahy ficilkii xumaa
ee
aabihii ku sameeyay dadkaas cafisna u weydiiyo aabihii, xuseen
taas ma samayn . Arrintaas waxay dhalisay in sanaawi dhibco
ku qaato oo ka xoreeyo da
dkii uu xuseen ku amar ku taaglaynayay- nasiib darro dadkaasi
maanta waxay aaminsan yihiin in amxaaro ka xoreysay xuseen
asagaaana guushaas u keenay a
mxaaro!
4) In aan mardanbe lagu arag goobaha siyaasadda
Soomaaliya waayo dadku markay arkaanba waxay soo xasuusanyaan
dadkii uu dilay asaga iyo aabihiiba
iyo falalkii denbiyada aadamiga ee uu galay waxay ahayd inuu
dhuunto ilaalaga iloobayo.
5) In markii odayaasha asaga shirqoolayey
jagadii aabihii u dhiibayeenuu ku yiraahdo mahadsanidiin aniga
faraha lama soo gelayo falalka xun xun iyo ma rabo in aan
denbi ka galo dadkayga oo uu banaanka ka istaago ilaa uuwadanka
dawlad iyo doorashooyin uu gaarayo waayo haaddii uu samayn
lahaa waxay u badnaan lahaynd inuu doorasho ku soo bixi lahaa
laakiin maanta fursad siyaasadeed ma leh.
Xuseen caydiid waxaa uu dagaal oogayaasha
kale uga duwan yahay waa ka da’ yar yahay oo waxay ahayd
inuu san u dhaqmin siday u dhaqmaan waayo maanta dhalinyarada
Soomaaliyeed keligiisaa dembiile ka noqday. Markii uu dhaxlay
aabihii oo uu noqday madaxa USC dhalin yarada soomaaliyeed
meelkasta oo ay joogaan waa ay farxeen oo waxay isyiraahdeen
maanta ayaa hogaanka gaariga uula wareegay wiil dhalin yar
oo Soomaalida ka naxaya oo ka fayow qabiil oo garan kara danta
guud hase yeeshee xuseen kama roonaan aabihii mana fahmin
shirqoolkii loo dhigay.
Dhalinta Soomaaliyeed ee nabadda jecel ayaa
niyad jabay markii wiilkii ugu horeeyay oo fursad hela waa
xuseen caydiide uu ka fiicnaan waayay odayaashii jahliga ahaa
oo qabiilka caabudayay. Xuseen waxaa uu muujiyay in dhalin
yarada Soomaaliyeed naftigooda laga heli karo kuwa aan shacabka
u nixin oo maan gaaban oo aanan keeni karin isbedel fiican.
Xuseen waxaa uu denbi ka galay dhamaani dhalinta Soomaalida
ee nabadda jecel iyo guud ahaan umadda
Soomaaliyeed waxaana uu noqon doonaa dagaal oogaha keliya
oo lala xisaabtami doono waayo kuwa kale waqtigoodii waa dhamaaday
waana odayaal asaguse weli waa nin da yar.
Xuseen caydiid waxaa la gudboon inuu dhamaan
dhalinyarada Soomaaliyeed ee nabadda jecel ee uu u gefay cafis
weydiisto qirtona qaladkiisa umaddana u s
heego in dhalinyrada Soomaaliyeed aanay wada xumayn ee fursad
la siiyo. Dhalinyarada Soomaaliyeedna waxaa la gudboon in
aanay ka wel welin ceebta uukeenay Xuseen ee ay u tartamaan
maamulka dalka ee aanay sugin odayaasha inta ay ka dhimanyaan
si ay u badbaadiyaa dalkooda iyo dadkooda. Mardanbe waa in
aanay marti ka ahaan dalkooda!
Fiiro gaar ah: Fikradan qabiil kuma salaysna
ee waxa ay ku salaysan tahay dhalinyaro iyo odyaasha warlordska
ah iyo nasteexo.
Hasan
Warankulule
warankulule@yahoo.com
Opinions
expressed in this columns are those of the authors and not
necessarily those of Radio Free Somalia
Qoraaladu waxay ka turjumayaan aragtida Qoraaga mana loo fasiran
karo tan Radio Free Somalia
|