RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo
INSIDE RFS
NEWSWARKII
MAANTA
Dhismihii safaarada Soomaaliya ee Biljamka oo lagu guuleytay in gacanta Soomaaliweyn Dib Loogu soo Celiyo”DAAWO SAWIRO+VIDEO”
NOVEMBER 26, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Guud ahaan dadkii sida sharci darada ahaa u deganaa xarunta safaarada Soomaaliya ee magaalada Brussels ee dalka Biljamka ayaa si qasab ah looga saaray ka dib markii ay mudo 18 sano ah ku deganaayeen si sharci daro ah.
Dadkan oo jinsiyado kala duwan wato ayaa xarunta safaarada ugu noolaa qaab deegaan ah, hase yeeshee dacwad uu mudooyinkanba waday Safiirka Soomaaliya ee midowga yurub Ambasadoor Nuur Xasna Xuseen Nuur Cade, oo looyar u qabtay ayaa aakhirkii maxkadamada sare ee dalkan u xukuntay in laga saaro dadkaasi, iyada oo maalintii shalay aheydn kooxaha dowladda hoose iyo booliskuba ay ku dhaqaaqeen in ay si qasab ah uga saaraana xashafadihii iyo alaabooyinkii kalana laga saaray qolalka.
Ambasadoor Nuur Cade ayaa ayaa tan iyo markii la soo magacaabay waxa uu ku shaqeynayey guri kiro ah, ka dibna waxa uu jaf jaftay laba qol oo ka mid ah xarunta safaarada, halka qeybaha kale oo ka kooban sedex dabaq ay la wadaagayeen dadka ajaanibta ah, howlaha safaaradana lagu qabanayey labadaasi qol.
Xaruntan oo ku taalo deegaan safaaradaha aduunka ku badan yihiin ayaa iminka waxa ay u baahan tahay dayactir xoog leh iyo qalabeyn, iyada oo dhinaca kale ambasadoor nuur cade uu sheegay in gurigii safiirka oo isagana si sharci daro ah u degan yihiin qoys biljamees ah iyadana dacwadeeda ay socoto goor dhawna uu rajeynayo in lagu guuleysto.
Dhinaca kale ambasador nuur Xasan Xuseen NuurCade oo ah safiirka dalka talyaaniga ayaa ka faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey warar si qaldan loo tarjumay oo la xiriiray xaruntii safaarada Soomaaliya ahaan jirtay ee magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, waxa uuna sheegay in xaruntaasi oo mudo 22 sano ah aan wax howl safaaraddeed ah lagu qabanin isla markaana dadk qaxooti ah deganaayeen dambiyo kala duwana lagu galay, markii dambe lagu soo wargaliyey in dhismaha aan lagu noolaan karin uuna dumayo sidaasi daraadeed waxa uu sheegay maadaama dhowr guri oo hantida Dowladda Soomaaliya ay leedahay ku yaalaan si loo badbaadiyo ay go’aansadeen in shirkad talyaani ah qandaraas lagu siiyo si ay u dhisto kirada qeyb ka mid ahna u qaadato maalgalintiisa halka inta kalana ay qeyb ka noqon doonaan hantida kala iyo fududeynta howlaha safaarada.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA SAFAARADA IYO BURBUR GUDAHA KA MUUQDO