![]() |
![]() |
![]() |
|
|
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo hambalyo u diray ciidanka nabad sugida Qaranka JANUARY 5, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Shariif Sheekhunaa Mayee ayaa hambalyo u diray xuska 41 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidamada nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed oo ku began 8 bishan. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Shariif Sheekhunaa Mayee oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Radio Muqdisho ayaa waxa uu u qornaa sida tan. TIR/XTC/1/10-01/12(.) UJ:- Hambalyo (.) anigoo ku hadlayo magaca saraakiisha, kormeerayaasha, saraakiil xigeenada, alifleyda, dableyda, ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo keygaba waxaan hambalyo iyo bogaadin u kal iyo laab ah u direynaa dhamaan xubnaha ciidanka Nabad sugida Qaranka iyo qoysaskooda anigoo ugu hambalyeynayo xuska sanad guurada 41-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka nabad sugida Qaranka oo ku beegan 08-01-2013. Waxaana u rajeynayaa in xuskan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare meel kasta oo ay joogaanba, waxaana ciidamada nabad sugida ku boorinayaa in ay sii laba labaan howshooda loo bogay oo ay u hayeen ummadda Soomaaliyeed lana xiriira sugida amaanka iyo la dagaalanka argagixisada. Aniga oo u balan qaadayo in ay ciidamada Boolisku ku taageeridoonaan howsha ay hayaan, iskaashiga labada ciidan ee la xiriira xaqiijinta nabad galyada ayna noqon doonto mid kor loo qaado una adeegaya danta guud ee Ummadda. Sidoo kale shacabiga Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa xuska qaaliga ah waxaana weydiisanayaa in ay xiriir dhow la yeeshaan ciidanka nabad sugida si loo wada ilaaliyo danta ummadda. Warqadan ayaa waxaa ku saxiixnaa taliyaha ciidanaka Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Mayee. Radiofreeomalia.com - Muqdisho
|
|