|
RADIO FREE SOMALIA
- - - -Fikradaha - OPINION
Maqaalo |
INSIDE RFS
NEWS
WARKII
MAANTA |
Dadka Somaliland oo safaf dhaa-dheer ugu jira doorashooyinka golaha deegaanka
NOVEMBER 28, 2012 (Radfiofreesomalia.com) - Gobolada Somaliland ayaa saaka si rasmi ah waxaa uga bilowday doorashooyinka golaha deegaanka, iyadoo dadka ay safaf dhaa-dheer ugu jiraan sanaadiiqda cod bixinta oo la dhigay magaalooyin, tuulooyin iyo dhulka miyigi ah.
Doorashada golaha deegaanka ayaa waxaa ku tarmayaa ilaa 7-urur siyaasadeed oo uu ku jiro Xisbiga talada haya ee Kulmiye, iyadoo doorashadan ay tahay tii ugu weyneyd ee soo mara Gobolada Somaliland, marka loo eego qaabkii loo galay ololaha.
Gudiga doorashada ayaa sheegay in ilaa 1844-sanaadiiq ay geeyeen dhamaan goobaha laga codeynayo oo ay ka mid yihiin ilaa 21-degmo oo dadweynaha si xor ah u soo xooran doonaan golayaasha degmooyinka xukumi lahaayeen.
Codeynta ayaa saaka abaarihii 7-dii subaxnimo ka bilaabatay dhamaan deegaanada Somaliland, inkastoo magaalada Hargeysa ay dib ugu dhacday waqtiga arrimo farsamo.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo marwadiisa ayaa codkooda ka dhiibtay Hargeysa, sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici ayaa isna codkiisa ka dhiibtay deegaanka Lughaye.
Xubnaha golaha deegaanka ayaa la sheegayaa in Hargeysa oo ah Caasimada Somaliland lagu tartami doono ilaa 25-kursi, halka deegaanada kale ay yihiin 21-xubnood, waxaana deegaanada kale ay yihiin sida ay u kala horeeyaan.
Radiofreeomalia.com - Muqdisho

|